Advertisement

Somalia

Wararkii ugu dambeeyey ee Laascaanood

U dir saaxiib Daabaco Add Comment
Laascaanood

Laascaanood

LAASCAANO, Soomaaliya — Tiro dad ah oo gaadhaya 65 qof ayaa weli ku xidhan jeelasha Caynaba dadkaas oo laga qaaday gudaha magaalada dadkan oo iskugu jira dumar caruur iyo waayeel ayaa weli xidhan.

Ma aha markii ugu horeysey ee tiro dad ah oo noocana loo qaado magaalada Caynaba.

Sanado ka hor markay Somaliland soo gashay gudaha magaalada ayey ahayd markii la qaaday dad intan ay tiradoodu gaadhayso.

Dhanka kale dhawaan ayey ahayd markii nin qarax wadey uu ku qarxay meel udhow Hotel Xamdi, ninkan oo sida la sheegay qorshihiisu ahaa inuu isku qarxiyo Hoteel Xamdi oo xarun u ah madax ka tirsan maamulka Somaliland.

Qaraxan ayaa dhacay intii uusan ninkani gaadhin Hoteel Xamdi.
Ninkan oo jidhkiisii aad u gubtay,adagtahayna in la aqoonsado, ayaa ilaa iyo hadda aysan maamulka Somaliland sheegin magaciisa iyo meesha uu ka yimid.

Maydka qofkii qarxay

Maydka qofkii qarxay

Sawirka maydkii qofkii qarxay

Sawirka maydkii qofkii qarxay

Waxaa ayaguna lacag baad ah laga gurtay dadka u dhashay koonfurta Somaliya ee ku sugan gudaha magaalada laascaanood yadoo marmarsiyo looga dhigayo wax ay dowladada hoose ugu yeedhay kaadhka aqoonsiga yadoo qof kasta oo reer koonfureed ah laga qaadayo lacag dhan $10 (toban Dollar) iyo afar sawir.

Mohamed Osman Abdinoor,
Laascaanood