Somalia
Dowlada Ruush-ka oo shaacisay sababta ay usii daysay Burcad badeeda ay qabteen
Dowlada Ruush-ka ayaa sii daysay 10 Burcad badeed Soomaali ah oo ay ciidamadoodu labo maalin ka hor gacanta ku dhigeen xili ay si xoog ah uga soo furteen Markab nooca shidaalka qaada ah oo ay Burcad badeeda gacanta ku dhigeen xili uu ku jihaysnaa wadanka China.
Wasiirka difaaca dowlada Ruush-ka ayaa sheegay in ay sii daayeen Burcad badeedii Soomaalida kadib markii ay waayeen sharci u ogolaanaya in ay Maxkamadeeyaan Burcad badeeda ay qabtaan.
Burcad badeeda Soomaalida ayaa maalinimadii arbacada waxaa ay qabsadeen Markab nooca shidaalka qaada ah oo laga leeyahay wadanka Ruush-ka kaas oo lagu magacaabo Moscow University,waxaana markii ay qabsadeen kadib dana galay Markab dagaal oo laga leeyahay Ruush-ka kaas oo daba joogay halka ay Burcadu u dhigayaan Markabka,waxaana markii dambe u surta gashay in ay si xoog ah kusoo furtaan ciidamada Ruush-ka markabkaasi.
Waxaa intii ay ciidamada Ruush-ku xooga kusoo furanayeen Markabka ay rasaasi dhex martay iyaga iyo Burcad badeeda taas oo markii dambe sababtay in uu rasaastaasi ku dhinto mid kamid ah Burcad badeedii Soomaalida ee Markabka saarnaa.
Col Alexei Kuznetsov ayaa wakaalada wararka Ruush-ka ee Interfax u sheegay in ay sii daayeen Burcad badeeda kadib markii ay waayeen sharci caalami ah oo ka dhan ah Burcad badeeda in lagu maxkamadayn karo wadamo ay Ruush-ku kamid tahay.
Asbuucyo kahor ayaa safiirka Ruush-ka u qaabilsan Qaramada Midoobay waxaa uu qaraar ka dhan ah Burcad badeeda hor dhigay golaha Amaanka,iyadoona goluhu mudo sadex bilood ah uu ugu qabtay xooghayaha UN-ka in uu kusoo diyaariyo sharci ka dhan ah Burcad badeeda kaas oo ay ku jiraan sida laga yeelayo Burcad badeeda Marka lasoo qabto iyo goobaha lagu Maxkamadaynayo.


