Advertisement

Somalia

Raysal Wasaare ku xigeenka DKMG oo dowlada Yemen kala hadlaya xaalada Somalia

U dir saaxiib Daabaco Add Comment

--

--

SANCA, Yemen — Raysal wasaare ku xigeenka ahna  wasiirka kaluumasiga iyo khayraadka bada Soomaaliya C/raxmaan aadan ibraahim (ibbi) ayaa sida ay qortay wakaalada wararka ee dalka Yemen Saba,waxaa uu booqasho maalma qaadanaysa ku tagay wadankaasi,isagoona kulamo kula qaadanaya inta uu jooga Madaxda dowlada Yemen.

Wasiirka iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa gudaha Yemen kusoo dhoweeyay wasiirka hantida iyo iibka dowlada Yemen Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan oo sheegay in ay tahay ujeedka booqashada wasiirka kaluumaysiga Soomaaliya in uu lasocdo xaalada qunsuliyada Soomaaliya ee Yemen iyo in uu lasocdo xaaladaha ay ku sugan yihiin qaxootiga Soomaalida ee wadankaasi.

Maxamed Mursal waxaa uu kaloo sheegay in ay kala hadlayaan wasiirka iskaashiga labada dowladood,gaar ahaan dhinaca badaha,iyadoona kaluumaysiga iyo gaadiidka bada labadaasi dal ay noqon doonaan muhiimada wada xaajooddka si kor loogu qaado tayada dhica gaadiidka iyo kuluumaysiga labada dowladooda oo dhinaca bada ay xuduud kawada leeyihiin.

Tan iyo intii ay burcad badeeda Somaalida ka dilaaceen xeebaha gacanka cadmeed iyo badweynta India ,waxaa hoos u dhac weyn ku yimid kaluumaysigii Yemen,iyadoona khasaaro fara badan soo gaaray kaluumaysatada kadib markii ay Burcad badeedu si xoog ah ay doonyaha uga afduubteen,iyadoona qaar kale ay Maraakiibta shisheeye ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ay rasaaseeyeen kaluumaysato fara badan oo yamaniyiin ah kuwaas oo qaarkood khasaaro dhimasho ay kasoo gaartay.