Somalia
Go’aamadii Shirkii Isimada SSC oo Maanta lagu soo Xidhay Buuro-Wadal
BUUROWADAL, Puntland — Isimada iyo waxgaradka SSC ee dhowaanahaanba shirku uga socday degmada Buuro-Wadal ee gobolka Sool ayaa maanta soo saaray go’aamadii kasoo baxay shirkooda, waxaana go’aamada iyo nuxurka ka soo baxay shirka isimadu u dhignaa sida soo socota.
Shirkii Gollaha Isimada Dhulbahante Ee Holhol iyo Buuro-Wadal:
Waxaa shir is waraysi iyo wada tashi ku yeeshay magaalada Buuro Wadal dhamaan isimada Dhulbahante, shirkaas oo horaantii lagu qabtay magaalada Holhol ee uu gogosha dhigay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.
Isimadu waxay falanqeeyeen mudarada ka haysata dadkooda duulaanka ah ee Jabhada Soomaalidiidku ku soo qaadeen qaybo kamid ah deegaamadooda,duulaankaas oo keenay barakac baahsan dadkiina ku dhibaataysanyihiin xeryaha qaxootiga ee Kenya, Ethiopia, Yemen iyo xarumaha gobolada kale ee Soomaaliya.
Waxaa nasiib darro ah in wadamada daneeya arrimaha soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah ayna wax gargaara soo gaadhsiin dadkaa tabaalaysan isla markaana aanay dhaleecayn jabhadii ka danbaysay fal danbiyeedka loo gaystay shacabka magaalada Laascaanood.
Saddexdii bilood ee ugu danbeeyay waxaa xarunta deegaamada SSC ee magaalada Laascaanood ka bilaabmay qaraxyo iyo falal argagixiso oo ay ka danbeeyeen maamulkaasi, si ay fasax ugu helaan cabudhinta iyo xidhxidhka shacabka reer Laascaanood, waxaana xabsiyada magaalooyinka Mandheera, Caynaba, Burco iyo magaalada Laascaanood ku xidhxidhan ganacsato, culumaa’udiin, siyaasiyiin iyo odayaal aan wax denbi ah galabsan.
Waxaa kaloo la barakiciyay walaalahayagii Soomaaliyeed ee kasoo haajiray colaadaha ka aloosan gobolada koonfureed oo hoy iyo hantiba ka yagleeshay deegaamadayada.
Hadaba waxaanu la socodsiinaynaa UN, urrur goboleedka IGAD ,AU, Arab League, Dawlada Federaalka iyo cid kasta oo danaysa nabadgelyada Geeska Afrika haddii aanay xal degdega u helin kasaarida ciidamada gardarada aan geedna loogu soo gaban ku jooga deegaamada SSC in uu ka aloosmi doono dagaal raaga oo riiq dheeraada, yeeshana wejiyo badan.
Hadaba waxaa muuqata in jabhadaasi aanay wax dana ka lahayn dadkooda maadaama dadka ay ka dhaxayso ceelka, carshinta iyo cawkuba.
Haseyeeshee, marnaba uma dulqaadan doono in dadkayaga la dibindaabyeeyo iyadoo qabiil usoo huwanayo hagoog maamul.si xol loogu helo dhibaatooyinka haysta dadkayaga waxaanuna si wada jir ah isula qaadanay qodobadaan hoose:
- Waxaa samaynay guddi la yidhaahdo Khusuusi.
- Khusuusigu wuxuu ka koobnaan doonaa 21 xubnood, saddex kamid ah dumaryihiin.
- Khusuusigu wxuuu awood u leeyahay inay ansixiyaan ama bedelaan hogaankii lagu soo dhisay Nairobi.
- Khusuusiga waxaa soo xulaya beelaha waxaana ansixinaya Isimada.
- Khusuusigu waxay iska dhexdooranayaan gudoomiye,G.kuxigeen iyo Xoghayn.
- Khusuusida waxay mudadoodu ku egtahay sanad iyo badh laga bilaabo maalinta la ansixiyo.
- Khusuusiga waxaa lagu keenayaa mudo dhan 10 cisho laga bilaabo maalinta gudoonku soo baxo.
- Khusuusiga waxaa kala diri kara isimada soo saxeexay 2/3 cod.
- Shuruudaha Lagu soo xulayo waxaa qeexaya xeer hoosaad u gaara.
F.G: Isimada ayaa kala hadlay Puntland hogaankii Nairobi inay soo galaan gudaha si ay ula kulmaan Khusuusida.
B. WACYI GELIN
Waxaa la dirayaa laba wefdi oo ka kooban Isimada,Cuqaasha xubno kamid Khusuusida waxaa look ala dirayaa deegaamada SSC si ay dadka ugu soo baraarujiyaan xaalada adage lagu jiro iyo sidoo looga bixi lahaa.
C. DHAQAALAHA
Dhaqaaluhu waa laf dhabarta lama huraanka ah ee loo baahanyahay waana arrin aan la’aanmteed waxba suuroobi karinwaxqabad rasmi ah,waxaa laysku raacay dood dheer kadib in laga raadiyo jaaliyadaha dibada iyo gudaha,wixii faahfaahin waxaa qeexaya xeer hoosaad u gaara.
D. PUNTLAND
Sida la wada ogsoonyahay saddexdii maamul ee ugu danbeeyay midba midka kale waa uga dayac iyo hagardaamo badnaa waxayna sahleen in la qabsado laguna fido qaybo kamid ah deegaamada SSC,waxayna curyaamiyeen isku day kasta oo lagu soo celin lahaa deegaamadooda.
Sidaa daraadeed dhaqan iyo shacaba waxaa u cadaatay in xukuumada hada jirta aanay diyaar u ahayn waxbaqadka hawshaa,hadaba waxaanu go’aansanay in xaajadaa loo wajaho hab qabiil hormuudna aanu ka noqono beel ahaan,xukuumada waxaanu ku qiimaynaynaa hadba sida ay ka yeesho hawshan manta la gudoomiyay.
Waxaan marnaba la ilaawi karin taageerada naf iyo maalba lahayd ee ay muujiyeen shacabka reer Puntland iskudayadii la curyaamiyay ee lagu soo celin lahaa gobolada SSC hadana waxaa looga baahanyahay Taageero Hiil iyo Hooba Leh.
Magacyada Isimada Saxeexay-
- Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac
- Garaad Saleebaan Garaad Max’ed Garaad Max’ud
- Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil
- Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe
- Suldaan Siciid Cismaan Cali
- Garaad Abshir Saalax
- Ugaas Cabdilaahi Ciise Nuur
- Garaad Cali Buraale
- Boqor Cabdilaahi Axmed Cali
- Garaad Cabdisalaan Xasan Max’ed
- Garaad Max’ud Cismaan Mashqarre
- Garaad Saleebaan Buraale Aw Aadan
- Ugaas Faarax Max’ud Cali.

