Somalia
Kenya:ma jirto ciidamo aan u tababaray Dowlada Somalia.

Calanka Kenya
Dowlada Kenya ayaa beenisay in ay tababaro u samaysay ciidamo 2,500 gaaraya oo ay u tababartay dowlada kumeel gaarka ah,waxaana ay waxba kama jiraan ku tilmaantay qoraal ay mid kamid ah shabakadaha afka Soomaaliga qortay oo sheegayay in ay dowlada Kenya diyaarisay ciidamo 2,500 gaaraya kuwaas oo ay u tababartay Dowlada Soomaaliya.
Wasiirka difaaca Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalada sheegaya in ay dowladoodu diyaarisay ciidamo dhowr kun gaaraya kuwaas mudo ay tababar qaateen kadib isu diyaarinaya in ay soomaaliya loo diro.
Mr yuusuf waxaa uu been abuur iyo hadalo ladhoob dhoobay ku tilmaamay wararka sheegaya in ciidamo lagu tababaray gudaha dalka Kenya ay haatan isu diyarinayaan in lageeyo Soomaaliya,ma jirto mana garanayno ayuu yiri yuusuf meesha ay kasoo xigteen wararkaasi dadka been abuurka samaynaya.
Orwa Ojodeh oo ah sarkaal ka tirsan ka tirsan laanta amaanka dowlada Kenya ayaa isaguna dhinaciisa been abuur ku tilmaamay wararkaasi,isaga oo sheegay in aysan jirin wax heshiis ah oo ay DKMG Soomaaliya kuwada galeen in ay gudaha Kenya ugu tababaraan ciidamo.
Dowlada Kenya waxaa uu Orwa sheegay in ay horay udiiday ciidamo in ay u dirto Soomaaliya si ay garab usiiyaan dowlada ay UN-ku taageraan taas oo ay tiro yar oo ciidamada Midowga Afrika ay kaabayaan,iyadoo Mucaaradka kasoo hor jeeda ay ay kula dagaalamayaan gudaha magaalada Muqdisho.
Hadalka beeninta ee kasoo yeeray dowlada Kenya ayaa yimid kadib markii ay mid kamid ah shabakada ah afka Soomaaliga ah ay qortay warabixin sheegaysa in ay dowlada Kenya u tababartay dowlada Soomaaliya ciidamo 2,500 gaaraya kuwaas oo lagu tababaray magaalada Isiola ee wadanka Kenya.

