Advertisement

Somalia

Hay’adda ICRC oo mashruuc ceel biyood ka fulisay tuulo ka tirsan Gaalkacyo.

U dir saaxiib Daabaco Add Comment
ceel biyood

ceel biyood

GAALKACYO, Soomaaliya –  Hay’adda ICRC ayaa ka hirgelisay tuulada Qodaxle oo ku taala meel 60 Km ka xigta dhanka bari ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug mashruuc ceel biyood.

Mashruucaan oo mudo bil ah socday ayaa Hay’addu ka hirgelisay ceelkan oo ah nooca ceel-riiga oo dherarkiisu dhan yahay 250mitir.

Mashruucaan ceelka loogu qoday deegaankaas, ayaa waxay ku soo aadey xili ay deeegaanka ka jirto biyo la’aan ba’an oo ay dadka iyo xooluhuba haraad ugu dhimanayaan

Khaliif Cismaan oo ka mid ah dadka deeagaanka Qodaxle oo u waramaayay saxaafadda , ayaa sheegay in ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaankaas, ayna u mahadcelinayaan Hay’adda ICRC, waxayna ugu baaqeen Hay’addaha kale ee samafalka in ay ku daydaan Hay’adda ICRC oo ay ka hirgeliyaan ceelal noocaan oo kala ah.

Arrintaan ayaa rajo gelisay dadkii ku dhaqnaa tuulada Qodaxle oo markii hore biyo la’aan darteed uga cararey deegaankaas, waxaana la sheegayaa in ay hada dib ugu soo laabanayaan deegaanadoodii

Sarmaanyo.com

Sarmaanyo@gmail.com