Advertisement

Somalia

Ahlusunna Waljameeca oo Xabis hal Sano Ah Ku Riday Eedeysane Guuleed Cali

U dir saaxiib Daabaco Add Comment

(Sarmaanyo.com) –  Urur Diimeedka Ahlusunna Waljameeca gaar ahaan Maamulka Caabudwaaq ayaa xukun Xabsi hal sano ah ku xukumay Eedeysane la sheegay in uu hub sharci daro ah ku dhex watay gudaha Magaalada dhexdeeda.

Eedeysanahan oo lagu magacaabo Guuleed Cali ayaa waxay maxkamada ku sheegtay in dhowr jeer oo hore falal amaandari ah ka sameeyey Magaalada Caabudwaaq

Sidoo kale Maxakamada waxay sheegtay in lagu soo eedeeyey weeraro ku dhufoo ka dhaqaaq ah ku soo qaaday Askarta ahlusunna Waljameeca, amaankana qalqal geliyey

Ugu danbeyn urur Diimeedka Ahlusunna Waljameeca gobolada dhexe ayaa ka digay in hub si sharci daro ah loogu qaato meelaha ay ka taliyaan gobolada dhexe, qofkii fal dambiyeed noocaan oo kale ah lagu qabtana la marsiin doono xukun la mid ah midka hadda lagu riday Eedeysane Guuleed Cali