Somalia
Wariyayaal Soomaaliyeed oo ku sugan dalka Uganda ayaa la kulmay Ganacsade Muuse Xareed oo mar isku soo taagay Xilka Madaxtinimada ee Soomaaliya.
Kampala Wariyayaashani oo ay ka mid ahaayeen Wariye Cilmi Cismaan (Boodhari), Maxamuud Dhaqane Nuur (Gacmadheere), Maxamed Faarax (Duurgal), Khaliil Bashiir Macalin iyo Weliba Wariye Xuseen Cabdulaahi Xasan (Hanad) ayaa waxa ay isla soo qaadeen Ganacsade Muuse Xareed oo ay Mulkiilaha Comapaniga Shidaalka ee Hared Company xaalada ku saabsan daruufihii soo barakiciyey Suxufiyiintani,
Ganacsadahan, oo soo dhoweeyey Wariyayaasha ku booqday Xaruntiisa Jinja oo ah Caasumada aad Dalka Uganda waxa uuna u muujiyey sida uu uga xunyahay dhibaatada baahsan ee lagu hayo wariyayaasha soomaaliyeed isagoona uga digay suxufiyiinta soomaaliyeed in aysan qeyb ka noqon dhibaatada haatan dalka ka jirta,
Ganacsade Muuse Xareed ayaa waxa uu caan ku yahay in uu had iyo jeer garab istaago dadka soomaaliyeed ee tabeeleysan oo ku soo qaxay dalkani Uganda,
Ugu danbeyntii Ganacsade Muuse Xareed oo ah nin ay soomaalinimada si weyn uga muuqato islamarkaasna si weyn uga xun xaalada dalka ka jirta ayaa waxa uu ilaahay uga baryey in umadda soomaaliyeeda dhibaatada ka saaro
Xuseen Cabdulaahi Xasan
E-Mail Xuseen339@hotmail.com
Uganda




