Advertisement

Somalia

Rabshado Dhimasho & Dhaawac Keenay oo ka Socda Laascaanood

U dir saaxiib Daabaco Add Comment
Laascaanood

Laascaanood

LAASCAANOOD, Soomaaliya — Waxaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ka socda rabshado sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac, oo ay isaga hor yimaadeen ciidamada maamulka Somaliland iyo shacabka magaalada, kuwaasoo  socday illaa iyo 8:00 barqanimo ee saaka.

Sida ay Sarmaanyo.com u xaqiijiyeen dad ku sugan magaalada Laascaanood, waxaa rabshadahaani ka bilowdeen ka dib markii ciidamada maamulka Somaliland ee ku sugan halkaasi ay xabsiga u taxaabeen qaar ka mid ah wadaaddada dugsiyada Qur’aanka ee magaalada Laascaanood.

Dadwaynaha magaalada Laascaanood ayaa rabshado kala hor yimid ciidamadii maamulka Somaliland, ayagoo xiray dhammaan waddooyinkii magaalada, waxaana la arki karaa taayirro dab la qabadsiiyey oo ku holcaya jidadka magaalada, waxaana hakad galay isi socodkii gaadiidka, ayadoo dhawaaqa rasaastana laga maqlayo daafaha magaalada.

Ciidamada maamulka Somaliland ayaa waxay xabsiga dhigeen boqollaal arday ah oo ka carooday xiritaanka lagu sameeyey macalimiintooda.

Wixii warar ah ee soo gordha gadaal ayaan idin kala soo socodsiin doonnaa.