Advertisement

Somalia

Maamulka Ururka xizbul Islaam Gobolka Hiiraan oo faah faahin ka bixiyey howlgalo burcad sifayn ah oo ay ka sameeyeen inta u dhaxaysa Gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

U dir saaxiib Daabaco Add Comment

Balad-weyne

Balad-weyne

Balad-weyne Afhayeenka Maamulka Ururka Xizbul Islaam Gobolka Hiiraan Sheekh Wehliye ayaa faah faahin ka bixiyey howlgalo burcad sifayn ah Ciidamada ururkaasi ka sameeyeen wadada isku xirta Gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Afhayeenka ayaa sheegay intii ay socdeen howlgaladaasi soo qabqabteen kooxo burcad ah, kuwaas oo ku xiran Xabsiga magaalada Balad-weyne ee Xarunta Gobolka Hiraan dhawaana maxkamad la soo taagi doono.

Sidoo kale Afhayeenka Ururka Xizbul islaam gobolka Hiiraan sheekh Weheliye ayaa tibaaxay intii ay socdeen howlgadaasi ka dhanka ah kooxaha Burcada ah in ay ku laayeen tiro ka mid ah kooxahasi, halka qaar badana ku xiran yihiin Xabsiga magaalada Balad-weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Sheekh Wehliye waxa uu intaasi ku daray in amaanka deegaanada ay ka taliyaan ururka Xizbul Islaam gobolka Hiiraan Amaankeesu aad u wanaagsan yahay, isla markaana meesha ka saareen wax kasta oo qalalaasi u keeni karay Falalka lidka ku ah Amaanka.

Afhayeenka ayaa sidoo kale digniin u jeediyey kooxaha Burcada ah ee dadka ku dhibaataysay wadooyinka deegaanadaasi in ay ka waantoobaan, haddii ay ka hari waayaan arrimaha burcadnimada la kulmi doonaan dhibaatooyin culus.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xili ciidamada Amaanka maamulka Ururka Xizbul islaam gobolka Hiiraan Howlgalo kooxo badan oo burcad ah lagu soo qabqabtay ka sameeyeen wadada isku xirta Gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe oo muddooyinkan ku soo badanayeen burcada jidgooyooyinka soo dhigta halkaasi.

SRNEWS

Sarmaanyo@gmail.com