Somalia
Ciidamada Badda Maraykanka oo bad baadiyey Dooni ay la socdeen Tahriibayaal Soomaali ah oo doonayeen in ay u talaabaan Dalka Yemen
Warbixin ay soo saareen Ciidamada Badda Dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in ay bad baadiyeen Ciidamadaasi Dooni ay la socdeen Tahriibayaal Soomaali ah, tahriibayaashaasi oo doonayeen in ay safar ku galaan Dalka Yemen.
Doonta ay la socdeen Tahriibayaasha Soomaalida waxaa saarnaa 30 qof oo isugu jireen Haween, Caruur iyo Dhalinyaro, waxayna ku sii jeeden dalka yemen, laakiin cilad ka soo galashay Matoorka Doontaasi dul sabaynaysay Biyaha, waxaana bad baaday markab dagaal oo lagu magacaabo USS MCFAUL oo ay leeyihiin ciidamada Badda Maraykanka, xili doontaasi maraysay meel 160 Mayl u jirta Xeebaha Soomaaliya.
Doontan ay la socdeen Tahriibayaasha Soomaalida waxay badda ku dhex jireen 4-maalmood ka hor inta aysan arkin Ciidamada Badda Maraykanka, lamana sheegin halka doontaasi Cidamada maraykanka geeyeen
Ma ahan markii ugu horaysay Doon ay la socdaan Tahriibayaal Soomaali ah laga bad baadiyo badda isku xirta Yemen iyo Soomaaliya.
SRNEWS
Sarmaanyo@gmail.com


