Somalia
Madaxweynaha maamulka isku Magacaabay Puntland C/raxmaan Faroole oo maanta u dhoofay Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya
Boosaaso Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Maamulka isku magacaabay Puntland sheegayaan barqanimadii Maanta Magaaladaasi ka dhoofay wafdi uu hogaamiyay Madaxweynaha maamulkaasi C/raxmaan Faroole.
Garoonka diyaaradaha Magaalada boosaaso ku sii sagootiyey Wafdigaasi Guddoomiyaha Gobolka Bari Sheekh C/xafiid Cali Yuusuf, Duqa Magaalada Boosaaso, Maxamuud Faarax Beeldaaje iyo xubno kale.
Wefdiga Madaxweynaha maamulka isku Magacaabay Puntland ee Faroole ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha Gen.Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkojiir), Wasiirka Deegaanka Cabdiqani Yusuf Cadde, Agaasimaha Batroolka Dhoolawaa iyo qaar kale oo ka tirsan xafiiska Madaxweynaha.
Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya Madaxweynaha maamulka Puntland ujeedka Addis ababatahay in uu kullamo kula qaato Saraakiil ka tirsan Dowladda maraykanka, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo madax kale
Socdaalka maanta C/raxmaan faroole maanta u aaday addis Ababa ma ahan mid horay loo shaaciyey.
Sarmaanyo@gmail.com


