Somalia
Markab Liibiya laga Leeyahay Burcad-baddeed ku soo Xireen Xeebta Laas-Qoray
Burcad badeeda Soomaalida ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen Markab laga leeyahay wadanka Libya oo ku gooshayay calanka Kuuriyada Waqooyi,waxaana sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidmada bada Midowga Yurub ay Burcad badeedu Markabkaasi ka qabsadeen meel waqooyiga ka xigta gacanka cadmeed.
Markabkan oo maalinmadii shalay ay burcad badeedu kasoo qabsadeen gacanka cadmeed ayaa maantay oo khamiis ah gaaray xeebta Gacan ee deegaanka laasqoray ee gobolka Sanaag.
Markabkan oo lagu magacaabo M/V Rim ayaa ahaa sida ay sheegeen ciidamada bada EU-da ee Atlanta Markab xamuul oo siday 4,800-tonne oo alaabo ah,waxaana uu ururnaa shirkada bada cas ee Liibya.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Markabkan oo ku wajahnaa Soomaaliya,iyadoona uu alaabo ganacsi u siday Soomaaliya,markabkan oo aan ka diiwaan gashnayn Xarunta amaanka bahada Afrika ayaan laga hayn war sax ah goobta uu kusii jeeday.
Qbasashada Markabkan ayaa imaanaysa wakhti ay burcad badeedu lacag Madax furasho ah oo 3 Million gaaraysa ay kusii daayeen markab xamuul oo laga leeyahay wadanka Greeca oo lagu magacaabo MV Filitsa.
Kororka awooda Burcad badeeda ayaa sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada bada Midowga Yuurub ee howlgalada Atlanta u jooga Xeebaha Soomaaliya ay keentay in ay burcad badeedo Maraakiib kasoo qabsadaan xeebaha ka fog fog Soomaaliya,sida ay Markabkan cusub ee M/V Rim uga soo qafaasheen meelo tobnaan Mile u jirta xeebaha Koonfureed ee Yemen.
Burcad badeeda waxaa gacantooda ku jira in kabadan 40 Markab iyo 200 oo shaqaala ah oo saran Maraakiibtaas waxaana ay dhmaan Maraakiibtaasi ka sugayaan Madaxfurasho lacageed oo Malaayiin doolar.

