Advertisement

Jabuuti

Midowga Afrika oo Jabuuti ku Ammaanay Doorka ay ku Leedahay Xal-u-helida Soomaaliya

U dir saaxiib Daabaco Add Comment
Mas'uulyiinta Midowga Africa

Mas'uulyiinta Midowga Africa - Addis Ababa (31ka Jannaayo, 2010)

Guddoomiyaha gudiga Ururka Midowga Afrika Mr. John Pean ayaa uga mahadceliyay go’aanka ay dowladda Jabuuti ku gaartey in ay Soomaaliya ciidamo ugu soo dirto, isagoo sheegay in Midowga Afrika uu soo dhaweynayo go’aankaas.

Mr. John Pean ayaa hadalkan ka jeediyay kadib markii uu shir kula yeeshay Madaxweynaha dalka Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle, wuxuuna sheegay in go’aankaasi uu qiimo weyn ku fadhiyo marka loo eego xaaladda cakiran ee ka jirta gudaha dalka Soomaaliya.

Mr. John Pean wuxuu ku amaanay dowladda Jabuuti doorka firfircoon ee ay ka soo qaadatay xal u helida arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan shirarkii dib u heshiisiinta Soomaaliya, iyadoo marti gelisay shirkii lagu soo dhisay dowladda KMG ah ee Soomaaliya, kaasoo lagu soo doortay Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya mudane Sh. Shariif Sh. Axmed.