Advertisement

Jabuuti

Kulan looga hadlayo arrimaha burcad baddeeda oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Jabuuti.

U dir saaxiib Daabaco Add Comment

Burcad-baddeed

Burcad-baddeed

Jabuuti Shir looga hadlayay arrimaha burcad baddeeda oo ka socday magaalada Jabuuti ee caasimada dalka Djabuuti ayaa lagu soo gabagabeeyay halkaasi, iyadoo bayaana laga soo saarey.

Shirkaas ayaa waxaa ka soo qeybgaley masuuliyiin ka socotay dowladda Soomaaliya, kuwa ka socday maamul gobaleedyadaPuntland iyo Somaliland iyo masulliyiin ka socotay beesha Caalamka, waxayna dhamaan madaxdii ka soo qeybgashay shirkaas si weyn uga doodeen dhibaatooyinka burcad baddeedu ku hayso gadiidka isticmaala biyaha Soomaaliya iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin tahriibinta dadka sharci la’aanta ah, joojinta kaluumaysiga sharci darada ah, in wax laga qabto wasaqeynta biyaha Soomaaliya iyo hakinta mukhaadaraadka la marsiiyo badda Soomaaliya.

Afhayeenka dowladda Soomaaliya mudane C/qaadir Maxamuud Walaayo oo ka mid ahaa ka qeybgalayaashii kulankaas oo u waramaayay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedada kulankaasi uu ahaa sidii la isaga kaashan lahaa burcad baddeeda, islamarkaana la isu dhaafsan lahaa macluumaadka ku aadan dhaqdhaqaaqyada burcad baddeeda ka sameeyaan badda.

Afhayeenka ayaa waxaa uu intaasi raaciyey in shirkaasi laga soo saarey qodobo muhiim ah oo ku saabsan sidii wax looga qaban lahaa burcad baddeeda oo uu ugu horeeyo, in la dayactiro xabsiyadda gudaha Soomaaliya ku yaala, si loogu hayo dadka lagu helo iyagoo gacmaha kula jira falalkaas, wuxuuna sheegay in la isku afgartey dhamaan waxyaabihii looga hadlay kulankaas.

Ma ahan markii ugu horeysay ee la qabto kulan looga hadlayo arrimaha burcad baddeeda, waxaana kulan sidoo kale looga hadlayo arrimaha burcad baddeeda lagu qabtey 28-dii bishan magaalada Newyork ee dalka Mareykanka.