Afrika
Wasiirka ganacsiga Soomaaliya oo kulan la qaatey ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Zambiya

Xildhibaan Cirro
LUSAKA, Zambia — Wasiirka ganacsiga dowladda Soomaaliya mudane C/rashiid Maxamed Cabdi (Cirro) oo booshaqo shaqo ku jooga magaalada Lusaka ee caasimada dalka Zaambiya, ayaa sheegay in ay dowladdu wax ka qabaneyso dhibatooyin haysta ganacsatada Soomaaliyeed ee ka shaqeysta dalalka dibada.
Wasiirka ganacsiga Soomaaliya mudane C/rashiid Maxamed Cabdi oo u waramaayay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Wasaarada ganacsigu ku howlan tahay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka haysta Soomaalida ka shaqeysata wadamada dibada.
Mudane C/rashiid Cirro waxaa uu sheegay in uu kulamo la qaatey ganacsatada ku sugan magaalada Lusaaka, oo ay si wanaagsan ugu sharxeen dhibaatooyinka iyo caqabadaha ka haysta dhanka dowladda Zaambiya, wuxuuna sheegay in arrimahaas ay dhameyn doonaan iskuna xiri doonaan ganacsatada iyo masuuliyiinta dowladda Zaambiya, si ay u fududaato in ay shaqooyinkooda si fudud u wataan.
Wasiirka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in wax laga qabto dhibaatooyinka haysta ganacsatada Soomaaliyeed ee dibadaha ka shaqeysta, maadaama ay hantidoodii intii badneyd ula soo carareen dibadaha, ayna waajibaadkeena ka mid tahay ka dowlad ahaan in aanu arrintaas wax weyn ka qabano, wasiirka ayaa ganacsatada ku booreyay in ay dadaaladdooda sii siyaadiyaan, kana shaqeeyaan sidii ay ula macaamili lahaayeen dalalka ay ka shaqeystaan

