Wararka
Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Agaasime cusub oo ay yeelato hay ada PIS-ta.
Xeer madaxweyne oo ka soobaxay Xafiiska Madaxweynaha Puntland oo lambarkiisu yaha 27 soona baxay 12/3/2010 ayaa waxaa lagu magacaabay Gaashaanle sare Cali biinge.
Madaxweynaha Dowlada Puntland ,Markuu arkay dastuurka dowlada Puntland markuu arkay xeerka madaxweynha lambarka 113 ee december 17 2009, markuu arkay baahi loo qabo isbedel lagu sameeyo hay da amniga iyo sirdoonka dwolada puntland PIA iyo psf,waxuu xeeriyay madaxweynaha una magacaabay agaasimaha guud ee hay ada amaniga iyo sirdoonka puntland gaashaan le sare cali maxamed yuusuf cali (biinge)
Xeerkakan waxuu dhaqan galaya markuu madaxweynaha saxiisxo wuuna saxiixay waxayna noqoneysaa wareegtadan mid madaxweynaha uu u qaaday arimaha Amaanka Puntland.
Magacaabidan ayaa timid kadib markii dhowaanahan ay jireen khilaafyo la sheegay in ay soo kala dhex galeen Faroole iyo taliyaha ciidanka PIS-ta Cismaan Diyaano.
lama oga in ay magacaabidan noqon karto mid siyaasad hor leh oo ka dhex abuurta maamulka Puntland iyo hay ada dambi baarista ee Puntland PIS,iyadoona ay suurta gal tahay in ay magacaabida agaasimahan ay ku gacan sayraan maamulka haatan ee haya daas.


