Wararka
is Rasaasayn dhex martay ilaalada Xabsiga dhexe ee laascaanood iyo ilaalda taliyaha xabsiga
Shalay Hiirtii waaberi ayaa shacabka magalada laascaanood waxay ku tooseen rasaas taas oo ka dhacday xabsiga dhexee ee Degmada laascaanood , iyada oo ay fureen ciidan ilaaliya jeelkaas oo ah milatari.
wararka aanu ka helayno dad ku dhow dhow jeelkaasi ayaa sheegaya in la damacsanaa in lala boxo maxaabiis ku xidhan jeelkaas kuwaas oo loo soo qabqabtay Dilkii Taliyahii qaybta 12 aad ee ciidamada ku sugan G.sool.
Israsaasaynta ayaa waxay dhex martay Istaafka Taliyaha jeelka Cabdi Ciise Nuur IyoNiman Ilaalo ka haysa jeelka oo milatari ah.
askartan milatariga ah ayaa dhamaanba qoryaha ka uruuriyey askartii ilaalada u ahayd Taliyaha Jeelka Cabdi Ciise yagoo qaarkamid ahna la dhacay Qori dabadii
Dadka Reer laascaanood ayaa arinta layaab ku noqotay yadoo yadoo aysan arag Rasaas dhacda Subaxa Hore. Waxaa wadada laamiga lagu arkayey dad war raadis ah oo aqaladoodii kasoo kicitimay xaalada guud ee magaalada ayaa xiligan xaadirka ah dagan.
Waxaa isna magaalada soo gaadhay wasiirka cadaalada Somaliland Mr. Casoowe yadoo ay hore u joogeen wasiirka boostada iyoisgaadhsiinta iyo kan gaashaandiga

