Wararka
Maamulka cusub ee degmada Boosaaso oo sheegay in ay la shaqaynayaan saxaafada.
Waxaa kulan saakay ku dhex maray xafiiska duqa boosaaso saxaafada iyo gudoonka cusub ee degmada ayaa duqa cusub Maxamuud Faarax beeldaaje uu ku sheegay in uu la shaqaynayo saxaafada oo waxyaabo badan ka tabanayay maalkii hore oo ay sheegeen in aysan wada lahayn xiriir wada shaqayn oo fiican.
Gudoomiyaha cusub ee magaalada boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa sheegay in ay hagaajinayaan xiriirka ay la leeyihiin saxaafada,iyadoona uu sheegay in ay saxaafadu tahay maraayadii lagu arkayay wanaaga iyo xumaanta ay maamulkooda sameeyeen sidaa darteedna ay adkaynayaan sidii uu u wanaagsanaan lahaa xiriirka ay la leeyihiin saxafiyiinta.
Saxaafada waxaa intii uu kulanku socday ay maamulka ku amaaneen kulan uu la qaatay,iyadoona ay tahay markii ugu horaysay oo maamulka magaalada boosaaso uu saxaafda inta uu isgau yeeero kala hadlo wada shaqayn ay yeeshaan.
Maxamuud Faarax beeldeeja duqa cusub ee boosaaso waxaa uu horay uga tirsanaan jiray maamulkii hore iyo kan haatan jira ee C/raxmaan faroole,waxaana uu sida uu sheegay u muuqdaa mid saxaafada kusoo dhoweynayaawda shaqyn wacan.
Saxaafada magaalada boosaaso ayaa ah mid inta badan cabasho uga timaado maamulka,iyadoona hadii ay hagaagto xiriirka haatan ee uu duqu ku dhawaaqay in uu hagaajinayo ay suurta gal tahay in ay yaraato dhibaatooyinka loo geysto suxufiyiinta.


