Advertisement

Wararka

Sheikh Sharif oo raysal wasaaraha Britain Gorden Brown kulan la qaatay.

U dir saaxiib Daabaco Add Comment

Midig Gorden Brown,bidix Sheekh Shariif

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maalinimadii shalay gaaray wadanka Britain ayaa waxaa uu habeenimadii xalay kulan la qaatay raysal wasaaraha Britain Gorden Brown.

Kulanka Shariif iyo Gorden Brown ayaa la sheegay in looga hadlay arimo fara badan oo ku saabsan xaalada Soomaaliya,iyadoona Madaxweyne Shariif  uga warbxiyay raysal wasaare Gorden xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya xili ay dowladiisu dagaalo xoogan kula jirto kooxo mucaarad ah oo uu ku tilmaamay argagixiso.

Tan iyo intii lay doortay madax tinimada wadanka 20-ka sano dowlada la aanta ahaa ee Soomaaliya,waxaana ku jiray iska caabinta kooxo doonya in ay wadanka ka dhigaan hoy argagixiso,iyadoona ay ciidamadayada iyo kuwa nabad ilaalinta ah aysan ilaa iyo haatan wax dagaal ah ku qaadin.

Kulanka shariif iyo Gorden Brown ayaa imaanaya xili ay Xarakada Mujaahidiintya Al shabab dhaliishay hadalkii kasoo yeeray dhowaan dowlada Britain ee ahaa in ay u diidyso wadankeeda soo gali taanka wadankeeda Xarakada  Al shabab oo ay ku tilmaantay urur argagixiso oo ka shidaal qaata Al qacida.

Madaxweyne Shariif waxaa uu dhowrayaa fulinta balan qaadyo ay horay dowladaha Midowga yurub u balan qaadeen dowladiisa,iyadoona dowladaha Britain iyo maraykanka uu ka sugayo ka gacan siinta dowladiisa dib usoo celinta amaanka iyo in meesha laga saaro dhaqdhaqaaqa mujaahidiinta Al shabab,iyadoona maraykanku maalmo ka hor ay ka dhawaajiyeen suurta galka in ay diyaaradahooda dagaalka ay duqaymo u gesytaan fariismiha Al shabab