Advertisement

Wararka

Dowlada Yemen oo Maxkamad soo taagtay Burcad badeed Soomaali ah.

U dir saaxiib Daabaco Add Comment

Burcad badeed la maxkama daynayo

Waxaa maxkamad ku taala gobolka Hadramout ee wadanka Yemen lagu soo taagay 7 Burcad badeed Soomaali ah oo loohaysto dambiyo weerar Burcad badeednimo ah.

Xeer ilaaliyaha maxkamada la saarayo Burcad badeeda Abdu Al-Wadhi ayaa kusoo oogay in ay 7-da Burcad badeeda Soomaalida ay weerareen maraakiib iyo doonyo ajnabi ah kuwaas oo ay qaar kood horay gacanta ku dhigeen.

Garsoorka Maxkamada waxaa ay shegeen in dib loo dhigay xukunka Burcad badeeda kadib markii ay Burcad badeedu jawaabo ka bixin wayeen dambiyada lagu soo ogay,iyadoona garsoorka maxkamadu u ogolaatay in ay qabsadaan qareeno difaaca.

Garsooraha Maxkamdu waxaa uu di u dhigay maxkamadaynta dhalinyarada lagu tuhun sanyahay Burcad badeednimada wakhti kale oo aan la caiyimin.

Burcad badeed badan oo lasoo taagay Maxkamadaha wadanka Yemen ayaan ilaa iyo hada la xukumin,iyadoona inta badan dib loo dhigo xukumada Burcad badeeda xiliga maxkamada la keeno.

Burcad badeed badan oo la qabtay ayaa waxaa ay ku kala xiran yihiin wadamo fara badan oo caalamka,iyadoona qaar kood ku jira xabsiyo kala duwan kuwaas oo aan weli maxkamad lasoo taagin.

Dhaqaalaha Yemen ayaa dowlada Sanca marka ay ka warbixinayso waxaa ay khasaaraha ugu badan ay sheegtaa in ay u keenaan Burcad badeeda oo weerara maraakiibta iyo doonyaha kusoo wajahan wadankooda,iyadoona kaluumaysatada Yemen ku noqday caqab weyn oo aanay ka kalumaysan Karin kadib markii ay ciidamada shisheeye ee gacanka cadmeed ay cagta mariyeen doonyo kaluumaysi oo laga leeyahay Yemen iyaga oo ku khaldaya Burcad badeed Soomaali ah.