Advertisement

Wararka

weerar Burcad badeednimo oo la fashiliyay.

U dir saaxiib Daabaco Add Comment

Burcad badeed lagu amrayo in ay isdhiibaan

Ciidamada bada India ayaa sheegay in ay fashiliyeen weerar  ay Burcad badeeda ku qaadeen Markab xamuul oo laga leeyahay  wadanka kaaso xili uu marayay xeebaha badweynta India.

Sarkaal ka tirsan ciidamada bada India ee xeebaha Soomaaliya u jooga la dagaalanka Burcad badeeda ayaa sheegay in ay ciidamada Komaandooska ah ee wadankooda ay fashiliyeen weerar Burcad badeednimo oo ka dhici lahaa meel aad uga fog xuduuda bada ee ay Burcad badeedu ka qaraabato.

Waxaa uu kaloo sarkaalku sheegay in ay ku Joojiyeen Burcad badeeda Helicopter ay la haayeen ciidamadooda,iyadoona ay ka qabteen Burcad badeeda laba doonyooda iyo saxiimadaha nooca dheereeya ee ay ku weerar tagaan.

Weerarka ay ka fashilyeen ciidamada bada India Burcad badeeda ayaa sida ay saraakiisha ciidankaasi sheegeen ka dhacay meel ku dhow xuduuda badeeda ee India.

Markabka xamuul ee ay Burcad badeedu weerareen ayaa ahaa mid ku wajahnaa wadanka India oo uu dhuxul u siday,iyadoona uu kasoo kicitimay wadanka Ukarain.

Kororka weerarada Burcad badeeda ayaa keentay in maalmihii ugu dambeeyay ay ciidamada shisheeye eek u sugan xeebaha Soomaaliya ay in kabadan 30 Burcad badeeda ay gacanta ku dhigaan.

Qabqabashada  Burcad badeeda ayaa waxaa barbar socda lacagaha malaayiinta doolar gaaray ee ay Burcad badeedu ka helayaan maraakiibta iyo doonyaha ay qabsadaan,iyadoona mudo tobon bari guduhooda ay sadex markab oo ay horay u qabsadeen ay ka qaataan lacag madax furasho ah oo tobon Million gaaraysa.