Wararka
Xuska maalinta haweenka oo si weyn uga dhacday Boosaaso.
Xarunta shirarka iyo kulamada ee dowlada hoose ee magaalada boosaaso oo si wayn gudaheeda loogu xardhay alaabaha hidaha iyo dhaqanka ayaa maanta lagu qabtay Munaasabad lagu xusayo maalinta haweenka aduunka oo ku beegan 8 maarso munaasabadan ayaa waxaa ka soo qayb galay mas,uuliyiin ka kala socda golaha xukuumada iyo gobolka kuwaasoo ay ka mid yihiin Wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha puntland Cabdi Yaasiin,Agaasimaha guud ee wasaaradaas Maxamed Saciid Kaashawiito la taliyaha madaxweynaha puntland xaga maamulka Barkhad Cali Saalax Gudoomiyaha Gobolka Bari Sh Cabdi Xaafid Cali Yuusuf Ku xigeenka Duqa degmada Boosaaso Cabdiqaadir Yuusuf Daahir Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Bari Maryan Maxamed Xasan. nabadoono uu ka mid yahay Cabdi Caziis Maxamuud Yuusuf ( afguduud ) iyo haween ka kala yimid 16 xaafadood ay ka kooban tahay magaalada Boosaaso.
Munaasabadan oo la is dhihi karay in ay ka qurux badnayd munaasabadihii ka horeeyay ayaa waxaa ugu horayntii ka hadashay Gudoomiyaha ururka haweenka gobolka Bari oo ka warbixisay haweenka gobolka bari waxqabadkii ay ka geysteen amaanka iyo arimaha bulshada wixii ka danbeeyey burburkii dowladii dhexe ee soomaaliya waxay kaloo intaasi ku dartay in haweenku ay ka dhax muuqdaan bulshada inteeda kale loona baahan yahay in sidaas oo kale ay masraxa siyaasada ay uga dhax muuqdaan.
Gudoomiyaha gobolka bari Sh Cabdixaafid Cali Yuusuf ayaa isna ka hadlay in haweenku ay door muhiim ah ka qaataan amaanka guud isla markaana muhiimada maamulkiisa ay saari doonaan amaanka sidoo kalena uu ka shaqayn doono maamulkiisa la shaqaynta dhinacyada haweenka, dhalinyarada, isportiga.
Aamino Axmed Cabdi oo ah madaxa caruurta ee wasaarada horumarinta haweenka iyo arimaha qoyska puntland ahna wakiil u qaabilsan munaasabada 8 maarso ee gobolka bari ayaa sidoo kale ka hadashay in haweenku ay muujiyaan karti iyo isu tanaasul dhinac walba leh si ay uga dhax muuqdaan masraxa siyaasada. waxaana ay ahaayeen erayadii inta badan ay jeedisay mid loo riyaaqay.
Sidoo kale waxaa munaasabada 8 maarso ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha ee puntland Cabdi yaasiin oo isagu ku nuuxnuuxsaday in haweenku ay ilgooni ah ku eegaan dhanka nadaafada taasoo uu ku adkeeyay haweenka boosaaso in bacaha ku badanaya magaaladan la gubo si ay u cirib tirmaan.
Ugu danbayntii munaasabadan lagu xusayay maalinta haweenka ee lagu qabtey magaaladan boosaaso ayaa waxaa soo qabanqaabisay wasaarada horumarinta iyo arimaha qoyska puntland iyadoo guud ahaan magaaladan boosaaso laga dheehan karay xuska 8maarso oo inta badan lagu sharaxay goobaha maamulka alaabaha hidaha iyo dhaqanka waxuu kaloo xuskani ku soo beegmayaa xilli la qorsheeyay in golaha deegaanka boosaaso ay ka mid noqdaan 5 haween ah.
Maxamed Cali Iimaan
Sarmaanyo.com







