Advertisement

Wararka

asiirka Amniga maamulka Puntland oo ugu baaqay shacabka ku nool deegaanada maamulkaasi in ay Amaanka kala shaqeeyaan Ciidamada Amaanka maamulkaasi.

U dir saaxiib Daabaco Add Comment
Ge: Yuusuf Axmed Qeyr

Ge: Yuusuf Axmed Qeyr

Bosaso Kadib Munaasabad looga hadlayay arrimaha Amaanka deegaanada maamulka Puntland oo muddooyinkii ugu danbeeyey ka dhacayeen falal lid ku ah Amaanka ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Wasiirka Amniga maamulkaasi.

Ge: Yuusuf Axmed Qeyre oo ah Wasiirka Amniga Maamulka Puntland ayaa ugu baaqay dadka shacabka ah ee ku nool qeybaha kala duwan deegaanada Maamulka Puntland in ay kala shaqeeyaan arrimaha amaanka ciidamada Amaanka si ay u xoojiyaan sugida Amaanka deegaanadaasi.
Shacabka waxaa looga baahan yahay in ay amaanka kala shaqeeyaan Ciidamada haddii ay midaasi dhicina waxaa adkaanaya in dib loo soo nooleeyo Xasiloonidii iyo amaankii guud deegaanada Maamulka” ayuu yiri Gen: Yuusuf Axmed Qeyre.
Wasiirka ayaa dhanka kale mar uu ka hadlayay Xaaladaha Amaan iyo mida nololeyd ee ka jirta Koonfurta Soomaaliya waxa uu sheegay in ay tahay mid aad u liidata, maamulkoodana heystaan fursad qaali ah uguna baaqay dadka shacabka ah in aysan iska lumin fursadaasi qaaliga ah.
Haddalka wasiirka Amniga Maamulka Puntland ayaa imaanaya xili dhawaan Madaxweyne Faroole isku shaandheyn ku sameeyey golayaasha Wasiirada Maamulkiisa.
SRnews
sarmaanyo@gmail.com