Wararka
Gudoomiyihii hore ee gobolka bari oo wareejiyay xilkiisii gudoomiyanimo(Sawiro)
Waxaa maantay xaflad si weyn loo soo qaban qaabiyay ay ka dhacday hoolka shirarka ee xarunta G/bari taas oo uu gudoomiyihii hore ee gobolkaasi ku xil wareejinayay gudoomiyaha cusub ee uu Faroole dhowaan usoo magacaabay gobolkaasi.
Waxaa xafladan oo ay goob joog ka ahaayeen wasiiro,ganacsato,nabadoono iyo dadweyne kale oo fara badan xilikii gdoomiyanimada Gobolka bari si toos ah u wareejiyay muuse geele oo ku wareejiyay Cabdi xaafid Cali Yuusuf oo ah gudoomiyaha cusub ee gobolka bari loosoo magacaabay.
Magacaabida gudoomiyahan cusub ayaa timid kadib amaan darida kusoo badatay magaalada boosaaso oo ah xarunta ganacsiga Puntland oo inta badan ay ku nool yihiin shucuub fara badan oo kala duwan.
Muuse geele ayaa isaga iyo duqii hore ee gobolka lagu eedeeyay in ay ka dambeeyaan dilalkii dhowaan ka dhici jiray magaalada Boosaaso,iyadoona madaxweynaha Puntland cabdi raxmaan faroole uu sheegay in wax qabad la aanta masuuliyiintaasi ay keentay in ay soo magacabaan masuuliyiin cusub.
Wax ka badalka maamulka ee uu faroole sameeyay ayaa la sheegay in aysan wax iska badaleeyn,iyadoona qaar ka tirsan shacabka Puntland ay sheegeen in aysan wax badan ka filayn in ay masuuliyiintan cusub keenaan wax ka badalin kuwii hore.




