Somalia
Somtel oo Maanta Irirdaha loo furay+sawiro
Xaflad balaadhan oo saaka ka dhacday Hoolka shirarka ee Hotel xamdi ayaa xadhiga looga jaray xarun cusub oo ay yeelanayso shirkadda Isgaadhsiinta ee Somtel international Limited
Xafladan oo ahayd mid si aad ah loo soo agaasimey ayaa waxa lagu soo bandhigay adeegyo badan oo ay shirkadani soo bandhigtay sida uu soo gudbiyey madaxa xidhiidhka gobolada iyo suuq geeynta.
Munaasibadan lagu daahfurayey shirkada cusub ee Somtel international Limited , ayaa waxaa Goob jog ka ahaa furitanka Xafladan wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland,wasiirka gaashaandhiga Somaliland,gudomiye ku xigeenka gobolka sool ahna sii haya gudoomiyaha gobolka, taliyaha qaybta Policeka,dhamaan taliyayaasha qaybaha kala duwan ee gobolka sool,Dhamaan ganacsatada,shirkadaha,isgaadhsiinta iyo xawaaladaha.
Waxaa ugu horeyn xaflada lagu furay ayahada quraanka kariimka iyo wacdi oo aad uu ugu nuux nuuxsaday sheikh axmed maxamed sulaymaan isagoo ka soo jeediyay talooyin iyo wanooyin badan masuuliyiinta shirkadana ku booriyay in isgaadhsiinta looga fa idaysto dhinaca wanaaga.
Madaxa shirkada Somtel ee gobolka sool Faarax Cali Maxamed ayaa waxa uu isagu balan qaad dheeraad ah ku bixiyey inay wax weyn ka qaban doonaan adeega bulshada sida Caafimaadka, waxbarashada iyo wixii la mid ah.
Madaxa Suuq gaynta iyo isku xidhka gobolada shirkada Somtel Mr.Aadan Cabdi waxa uu sheegay in ay soo kordhisay qodobadan, Mobile Banking, Voice of internet, Mobile internet, multi media, adeegan oo 200 wadan kuugu shaqaynaya, 99 waxa loogu yeedhay oo uu ku macneeyey in meelaha amniga ka sheqeeya uu nambaradooda.
Waxa uu aadan intaas ku daray inay dadka reer Laascaanood u banaan tahay fursada sheerka shirkadan Somtel oo dhowaan la furi doono taasina ay tahay mid ay markaa dad badani u guuxeen.
Amiir jaamac maxamed (Digaale) oo ku hadlayay codka madax dhaqameedka gobolka sool ayaa sheegay in ay adeegyada shirkadani keentay ay yihiin kuwo mudan inay ku daydaan shirkadaha kale ee ka hawl gala Magaalada Laascaanood.
Dhanka kale gudoomiye ku xigeenka g.sool maxamed cabdi dhinbil daad ayaa isna ku dheeraday waxtarka ay leeyihin aaladaha isgaadhsiinta isagoo ku booriyey shirkadaha isgaarsiineed ee ka jira magaalada inay sameeyaan isku xidh u dhexeeya shirkadohooda balse aanay ku ekaan tartanka ay yagu dhexdooda ka tartaam. Sidoo kale daad wuxuu sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay qaar kamid ah adeegyada shrkadu keentay adeegaas oo ah Number ay shirkadu u samaysey Booliska magaalada laascaanood kas oo si degdeg ah loola soo xidhiidhayo
Waxaa isna xaflada qudbad gaaban ka soo jeediyey wasiirka gaashaandhiga S/land Saleebaan warsame guuleed ugu horayna aad ugu mahadceliyey Madaxda iyo maamulka shirkada Somtel.
Isagoo sheegay in dhawaan qaraxyo ka dhacay magalada badankooda loo isticmaalayey Mobile’da wuxuu wasiirku shirkadan cusub ku booryey inay ka faajignaan iyo taxadar dheeri ah ka sameeyaan in falal amni xumo lagu sameeyo Mobile’shirdu bixisay wuxuu kaloo wasiirku sheegay in Maamulka shirkadu dib ugu noqdaan Satellite’ka lana sugayo
Munaasibadan ayaa waxaa si aad ah loogu hadal hayey adeegyadii kala duwanaa iyo aasaaskii shirkadda Somtel ay ahayd bilawgii ama hooyadii isgaadhsiinta gobolka sool.
Masuuliyiin badan oo ka mid ah maamulka haatan ka taliya magaaladda Laascaanood ayaa halkaasi ka hadlay oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Boosta iyo Iskaadhsiinta iyo Wasiirka Gaashaandhiga oo dhamaantood soo dhoweeyey adeegan.
Guntii iiyo gunaanadkii waxaa xaflada soo xidhay wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule)
Wasiirka ayaa isago sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay Furitaanka shirkadan cusub,isagoo halkaasi kaga dhawaaqay in shirkada Somtel ay wasaaradiisu aqoonsatay hada wixii ka danbeeyana ay tahay shirkad ay aqoonsantahay wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland, shi sharci ahna uga shaqayn doonto gobolada Somaliland oo dhan .
Dhanka kale wasiir cali wuxuu sheegay in shirkada somtel ay tahay Hooyadii isgaadhsiinta Sool,ayna tahay shirkadii ugu horeysey ee Laascaanood ka hawl gasha mudana ay hawada ka maqnayd hadana ay dib u soo laabatay yadoo adeegyo casri ah wadata.
Ugu danbayntii maamulka shiirkda Somtel international Limited waxay martidii ka soo qayb gashay xaflada usoo bandhigeen Bakhtiyaa’nasiib lagu bixinayey 40.mobile oo 20 kamid ahi yihiin 2Simd card layaal halka 20 kalena yihiin Nooca halkaadhle ah kuna shaqaynaya Cadceeda (qoraxda)
Waxaa kaloo madaxda Shirkadu sheegtay in ay wadaan mashruuc ay shirkada ku gaadhsiinayaan gobolada puntladn mashruucan oo ku kacaya mudo dhan 3 biloow. wixii intaas ka danbeeyana ay gaadhsiin doonaan Koonfurta Somaliya.
Maxamed Cismaan Cabdi
SR News Laascaanood Office
Sarmaanyo@gmail.com






Wasiirka ayaa isago sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay Furitaanka shirkadan cusub,isagoo halkaasi kaga dhawaaqay in shirkada Somtel ay wasaaradiisu aqoonsatay hada wixii ka danbeeyana ay tahay shirkad ay aqoonsantahay wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland, shi sharci ahna uga shaqayn doonto gobolada Somaliland oo dhan .
SR News Laascaanood Office
Sarmaanyo@gmail.com







