Advertisement

Wararka

Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada bada Midowga Yurub oo gacanta ku dhigay Burcad badeed Soomaali ah.

U dir saaxiib Daabaco Add Comment

Burcad badeed isdhiibaysa

Markab ay leeyihiin ciidamada bada Faransiiska ayaa gacanta kusoo dhigay 11 Burcad badeeda Soomaali ah oo sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidmada bada Midowga Yurub ahaa Burcad badeed weerar u geysteen maraakiib xamuukl iyo kaluumaysato oo lagaleeyahay Faransiiska iyo Spain.

Afhayeenka ciidamada bada Midowga Yurub Jonh Harbour ayaa wakaalada wararka AFB u sheegay in ay Burburiyeen labo ka tirsan gadiidkii ay Burcad badeedu ku qafaala tagayeen.

11 Burcad badeeda ayaa sida uu John Harbour sheegay ay qabteen xili ay marayeen bada u dhexeysa jasiirada Seycheles iyo xeebta Mombaso ee wadanka Kenya,waxaana Helicopter ay ciidamada Midowgooda leeyihiin ay digniin u dirtay,iyagoona ku amartay in ay gacmaha kor u taagaan hubkii ay siteen bada ku daadiyeen.

Burcad badeeda gacanta ay ku dhigeen ciidamada bada EU-da ayaa ahaa kuwo maalmihii ugu dambeeyay weeraro qafaalasho ka waday badweynta India.

Ciidamada bada Faransiiska oo horay loogu yaqaanay qabqabshada Burcad badeeda ayaan la ogayn in ay 11-kan Burcad badeeda ah ay kusoo wareejin doonaan dowlada Puntland oo ay horay u lahaayeen xiriir soo wareejinta iyo la dagaalanka Burcad badeeda ah.