Advertisement

Somalia

Dowladda Mareykanka oo sheegtay in ay ka fiirsanayso qorshayaal lagu tababarayo Ciidamo katirsan kuwa dowladda KMG Soomaaliya

U dir saaxiib Daabaco Add Comment

Calanka maraykankaDowladda Mareykanka ayaa waxa ay sheegtay in ay ka fiirsaneyso in ay qaadato go’aan lamid ah kan ay qaateen Midowga Yurub oo ah in ay tababar u sameynayo Ciidamo katirsan kuwa dowladda KMG Soomaaliya. Major Richard J. Sherlock oo ah madaxa qorshooyinka taliska ciidamada Mareykanka ee qaarada Africa ayaa sheegay in dowlada Mareykanka ay ka fiirsaneyso in ay ku biirto dadaalada Midowga Yurub ay ku doonayaan in ay ku tababaraan ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya tasoo uu sheegay in ay gacan ka geysan karto ka hortaga iyo la dagaalanka waxa uu ugu yeeray kooxaha aragixisada ee geeska Africa. Waxa uu tibaaxay in ay jirto fursad wax ku ool ah oo ku aadan in Mareykanka uu iskaashi kala sameenayo Midowga yurub dhinaca tababarida Ciidamada Dowladda KMG ee Soomaaliya ee dhawaan lagu wado in ay ka dhacdo wadanka Uganda. Mr. Sherlock madaxa qorshooyinka taliska ciidamada Mareykanka ee qaarada Africa ayaa waxa uu intaasi ku daray in Mareykanka uu ka fiirsanayo in uu gacan ka geysto dadaalada caalamiga ah ee lagu taageerayo Dowladda KMG Soomaaliya ee uu hogamiyo madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Xukuumadda Washington ayaa ku dhawaad mudo 20-sano ka qeyb qaadan dadaalada lagu taageerayo dib u dhiska ciidamada xooga dalka Soomaaliya kuwaasoo loo arko in muhiim ay u yihiin nabad ku soo celinta dalka colaaduhu halakeeyeen ee Soomaaliya. Hadalkani ka soo baxay dowladda Mareykanka ee ku aadan in ay gacan ka geysanayo tababarka Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya ayaa imaanaya xilli dowladda Spain ay dhawaan shaaca ka qaaday in ay Hormuud ka noqn doonto howlgalka Midowga Yurub ay ku doonayaan in dalka Uganda bisha May ay dowladda KMG Soomaaliya ugu tababaraan ciidamo gaara ilaa iyo 2-ku oo Askari ayagoona sheegay in ku dhawaad ay howlgalkaasi ay u dirayaan ilaa iyo 200 oo saraakiil taba barayal ah