Wararka
Agabyo xoojinayo Amaanka Boosaaso oo la gudoonsiiyay gudoomiyaasha xaafadaha boosaaso.
Gudoomiyaasha xaafadaha magaalada boosaaso oo dhan 16 xaafadood ayaa maanta la Gudoonsiiyay agab kaabaya xoojinta amaanka magaalada.agab kaasoo ka koobnaa Tooshash, beteriyaal, firinbiyo iyo jaakadaha dhaxanta.
Xoghayaha dawlada hoose ee degmada boosaaso Cabdi Axmed Geeldoon oo ugu Horayntii ka hadlay xarunta dowlada hoose ayaa sharaxaad ka bixiyay agabka la Gudoonsiiyay gudoomiyaasha xaafadaha oo uu ku sheegay in ay adeegsanayaan Waardiyayaasha xaafadaha si aysan u baxsan cid walba oo amaanka wax u dhimaysa.
Sidoo kalena gudoonsiinta ayaa barbar socotay soo dhowayn goobtaasi loogu sameeyay Ku xigeenka cusub ee duqa degmada boosaaso Cabdiqaadir Yuusuf Daahir oo isna ku Nuux nuuxsaday ahmiyada ay leedahay in si wadajir ah looga shaqeeyo nabada Mudnaanta koowaadna uu siin doono.
Waxaa kaloo halkaasi ku sugnaa oo hadalo dhiiri galin ah ka soo jeediyay Barkhad Cali Saalax oo ah la taliyaha madaxweynaha puntland dhanka maamulka oo sheegay in mas,uuliyiinta xaafadaha ay la socon karaan wax walba oo xaafadahooda ka dhaca hadii Ay jirto wadananimo.
Ugu danbayntii gudoonsiinta gudoomiyiyaasha xaafadaha ee agabka xoojinta amaanka Iyo soo dhowaynta ku xigeenka duqa boosasso ayaa ku soo beegmaysa xilli maamulka Cusub ee degmada aysan la wareegin xilalkooda. Sidoo kalena waxay gudoomiyiyaasha Xaafadaha soo dhoweeyeen agabyadii la gudoonsiiyay.





