Wararka
Burcad badeeda oo lamaanaha British-ka u diiday in ay kulmaan.
Burcad badeeda Soomaalida ee haysta lamaanaha British-ka ayaa sheegay in ay diideen codsi ay lamaanuhu ugu soo jeediyeen in ay kuwada kulmaan,iyadoona sida uu afhayeen u hadlay Burcad badeeda haysta lamaanaha uu sheegay aysan u ugolayn lmaanaha wax wakhtiya oo ay isla wada qaadan karaan.
Lamaanaha British-ka oo tan iyo inta ay Burcad badeedu soo qafaasheen kukala xirnaa labo meel oo kala duwan ayaa waxaa uu codsigooda dib u midoobidu noqonayaa mid aysan Burcad badeedu aqbalayn sida uu sheegay Ali Gedow oo u hadlayay Burcad badeeda haysta lamaanahaas.
Paul iyop Richel Chandler oo ah dad aad u da weyn ayaa haatan mudo dhowr bilood ah waxaa ay ku xirn yihiin deegaanka xara dheere ee gobolka mudug xili xaaladooda caafimaad laga soo dayrinayo.
Jaaliyada Soomaalida ee wadanka Britain codsiyo ay Burcad badeedu ugu jeedisay sii dayntooda ayaa ah kuwa aysan Burcad badeedu dhag jalaq usiin iyagoona sheegay in ay sii daynayaan lamaanaha xiligii lagu soo wareejiyo madax furashadii ay dalbadeen.
Dowlada Britain ee ay lamaanaha kasoo jeedaan horay waxaa ay u sheegtay in aanay wax gorgortan ah la galayn Burcad badeeda haysata lamaanha.


