Advertisement

Wararka

Kulan dhex maray wasiiro iyo agaasimayaal oo ka dhacay guriga gobola+Sawiro

U dir saaxiib Daabaco Add Comment

Waxaa maanta guriga gobolka kulan ku dhex maray wasiiro ay kamid yihiin wasiirka gaashaandhiga saleebaan warsame iyo wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta cali maxamuud axmed CALI SANDULE waxaa kaloo yana goob jog ahaa duqa degmada canaabshe awdaahi iyop ku simaha badhasaabka ahna badhasaab ku xigeenka g.sool iyo xayn isu duwayaal ah.

 waxaana kamid ahaa isuduwayaashaas

Isuduwaha Wasarada caafimaadka Dr Muuse Geele isuduha Wasaarada diinta iyo Aw-qaafta Sh,cali gudoomiyaha waxbarashada ee gobolka sool Keyse cawil ladane  iyo wasaarado kale oo ay kamid ahaayeen wasaarada maaliyada iyo iyo maamulaha kastamada g.sool

Kulankan ayaa wasaarad walba ay kaga hadlaysey baahiyaha dhabta ah ee wasaaradohooda ka jira.

Kulankaas kadib labada wasiir oo ay weheliyaan ku simaha badhasaabka,duqa degmada iyo taliyaha ciidamada booliska ee gobolka sool ayaa kormeer ku tagay dhismaha qaybta boliska ee laascaanood  oo dhawaanahanba dayactir lagu wadey.

Intii ay kormeerka ku joogeen dayactirka dhismaha qaybta booliiska ayaa waxaa saxaafada la hadlay wasiirka boosaha iyo misgaadhsiinta wuxuuna warbixin dheer ka bixiyey dhismahan iyo waxqabadka uu bulshada tari doona kadib wuxuu soo hadal qaaday Garaadadda ku sugan buurawadal isagoo sheegay in garaadadu ay guryohooda ku soo laabtan kana soo hoydaan ayda ay wareegayaan iyo dhirta ay hoos hurdaan ee dhaxantu ku laysey.

 SR News
Sarmaanyo@gmail.com
Daawo sawiro