Advertisement

Puntland

Wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Cali maxamuud cali sandule ayaa waxaa uu canbareyn kulul usoo jeediyey waiirka arimaha gudaha Kenya iyo ka maamul wanaaga puntland maxamed faarax ciise gaashaan

U dir saaxiib Daabaco Add Comment

Wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Cali maxamuud cali sandule ayaa waxaa uu canbareyn kulul usoo jeediyey waiirka arimaha dibada Kenya iyo wasiirka maamul wanaaga puntland  maxamed faarax ciise gaashaan
ka dib markii ay canbaarayn usoo jeediyeen booqashadii uu ku maray Somaliland gudoomiye ku xigenka baarkalamanka Kenya faarax macalin.

 Wasiirka boosaha iyo is gaadhsiinta  aya waxa uu sheegay inu gaashaan ku khaldan yahay inuu canbaarayn ujeediyo gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya faarax macalin waxaa wasiirku sheegay in faarax macalin xaq u leeyahay inu booqdo soomaliland,puntland iyo somaliyaba.

Wasiir cali  ayaa sheegay in farax macalin deegaankiisa labaad uu yahay g.sool sidoo kale wasiir cali wuxuu sheegay inaysan jirin cid eedayn karta imaatinka isaga iyo waftigiisa

Wasiir cali ayaa sheegay inuu u mahad celinayo waftiga faarax macalin ayna guul usoo hooyeen dowlada Kenya

Sidoo kale cali sandule wuxuu sheegay in Kenya ay tahay eesha ay joogaan deeq bixiyayaasha caalamiga ah ee deeqaha siiya wadamo badan oo Africa ah somaliland’na ku jirto waxaa kaloo wasiirku sheegay in mar hadii waftiyada Kenya ka imaanaya Somaliland la canbaaraynayo ay Somaliland la so wareegi doonto haayadaha deeqaha siiya eek u sugan wadanka Kenya caasimadiisa Nairobi, ina soo wareejindoonaan caasimada s/land ee hargeysa

Waxaa kaloo wasiir cali sheegay in imaatinka waftiga faarax ay tahay mid isku soo dhawaynaysa xidhiidhka bulshooyinka Somaliland Kenya iyo waliba xidhiidhka somaliya iyo Kenya

Isku soo wada duuboo hadalka ka soo yeedhay wasiir cali sandule ayaa ahaa mid uu ku dhaliilayo wasiirka arimaha diba Kenya iyo kan  maamul wadaaga p/land maxamed faarax ciise Gaashaan