Somalia
Taliska ciidanka asluubta ee laascaanood oo go’aan adag soo saaray kaasoo lagu diidayo in la so booqdo……
Taliyaha jeelka asluubta cabdi ciise nuur ayaa maanta soo saaray warqad uu ku mabnuucayo soo booqashada maxaabiista xdhxidhan iyadoo ay jeelka ka buuxan dad tiradoodu gaadhayso ku dhawaad 100 ruux
Xabsigan oo la dhisay sanadkii 1947dii ayaan helin wax dayactira haba yaraatee taasi oo keenat in ay derbiyadda iyo jiiganduba ay soo daayaan biyaha waqtiroobaadka taasi oo keeni karta in uu dumo.
Xabsigan oo haatan la ciiraya buux dhaaf ayaa waxaa si aad ah walaac u leh qaabka loola dhaqmo maxaabiisata taasi oo maalin walba ka sii daraysa waxaana ka mida waxyaabaha ay ishu qaban karto.
- Booqashadda ehelada oo laka takooray iyadoo dumarka gebi ahaanba laga mamnuucay inay gudaha jeelka soo galaan iyadoo maalinta jimcaha oo keliya loo ogolaa
- Qubeyska oo lagala dagaalamo iyadoo ay taasi keentay cuduro badan oo maqaarka ku dhaca iyadoo aan xanaano caafimaadna jirin waqtigan.
- Musqulihii ay lahaayeen qolalka waaweyni waxaa laga dhigay waxa loogu yeedho Sheelo iyadoo aanu qofku helin musqul 3:30PM ilaa 7:30 subaxa danbe
- Maxaabiista waxaa meel ku wadda xidhan kii dilka u xidhnaa iyo kii eedaysanaha ahaa, sidoo kale waxaa qol ku jira dad xanuuno kala duwan qaba oo kuwa faafa ay ka mid yihiiniyo kuwii fayoobaa.
- Cunto xumo iyo caafimaad daro baahsan ayaa iyana ka muuqata..
Aqoonta saraakiisha sare ee ciidanka Asluubta ayaa ah mid aan ahayn ama ka liidata tii loogu tala galay taasina waxay keentay dhibaato xoogleh iyo awaamiir ka hor imaanaya xuquuqda ay maxaabiistu leedahay.
Xabsigan ayaan haatan u muuqan xabsi u qalma in dad lagu xidho sida ay qabaan dadka soo booqda iyo qofkii mar soo marra .


Saldhiga_Laascaano_Gudihiisa-
SR News
Sarmaanyo@gmail.com
Las-anod Office

