Advertisement

Wararka

Burcad badeeda oo gacanta ku dhigay Markab laga leeyahay Saudi Arabia.

U dir saaxiib Daabaco Add Comment

Burcad badeed

Burcad badeeda Soomaalida ayaa gacantyta ku dhigay Markab nooca saliida qaada ah oo laga leeyahay wadanka Sacuudiga kaaso oo kasii kicitimay wadanka Japan isaga oo ku wajahnaa magaalada Jedaha ee wadanka Sacuudi Arebia.

Markabkan oo ay Burcad badeedu qabsadeen maalintii Isniinta ayaa sida uu afhayeenka ciidamada bada Midowga Yurub John Habour sheegay ay Burcad badeedu u dhigeen xeebta deegaanka garacada ee gobolka Mudug.

Afahyeenku waxaa uu sheegay in xiligii ay Burcad badeedu qabsanayeen uu ahaa Markabku mid faaruq ah oo xamuulkii uu waday soo dhigay wadanka Japan.

Markabkan oo lagu magacaabo Al Nisr ayaa tankiisu ahaa 5,136,waxaana uu siday xiligii ay Burcad badeedu qabsanaysa 14 shaqaala ah oo saarna markabka dushiisa.

Markabka oo sida uu John Harbour sheegay la geeyay xeebaha deegaanka xaradheere ee gobolka mudug,iyadoona Burcad badeedii qabsatay ay ahaayeen Burcad badeed can ah oo si weyn loo garanayo.

Qabsashada Markabkan ayaa imaanaysa maalmo kadib markii ay Burcad badeed sii maraakiib horay gacantooda ugu jirtay kuwaas oo ay madaxfurasho Malaayiin doolar gaaraysa ay ka qaateen.