Wararka
Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan oo sheegay in ay iska dhex xuleen Gudi si loo xoreeyo Gobalada ay xooga ku haystaan kooxaha dhibaatada ka wada dalka.

Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan
Dooloow Masuuliyiinta dowladda KMG ah ee ku sugan degmadda Dooloow ee gobalka Gedo ayaa iska dhex magacaabay Gudi ka shaqeyn doona qaabka looga xoreynayo kooxaha dhibaatada ka wada Gobaladaas.
Guddigan oo loo bixiyay Gudiga Dib u Xoreynta Lixda Gobal ee ku yaala koonfurta Soomaaliya, kaasoo ay xubno ka yihiin Masuuliyiinta dowladda KMG ah ee ku sugan degmada Dooloow ee gobalka Gedo, ayaa shaqadiisa bilaabi doona.
Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan, oo isagoo ku sugan degmada Dooloow ee gobalka Gedo, u waramaayay warbaahinta ayaa sheegay in Gudigan uu ka kooban yahay ilaa 14 Xubnood, oo ay ka mid yihiin Guddoomiyayaal gobal, kuwo degmo, Agaasimayaal iyo Saraakiil ciidan, ayna shaqaadoodu tahay abaabulka, dagaal gelinta iyo diyaarinta saadka iyo qalabaka ciidanka iyo qaabkii looga saari lahaa kooxaha dhibaatada ka wada gobaladaas, wuxuuna sheegay in Gudigan mudo sanad ka badan ka shaqeynayeen diyaarintiisa.
Maxamuud Sayid Aadan, ayaa intaa ku darey, in xubnaha Gudigani ay ka soo kala jeedaan gobalada: Baay, Bakool, Gedo, J/hoose, J/dhexe iyo gobalka Sh/hoose, wuxuuna sheegay in ay rajeynayaan in Gudigu shaqadiisa ku guuleysan doono, maadaama mudo dheer laga soo shaqeynaayay dhisidiisa.
SRnews
Sarmaanyo@gmail.com

