Somalia
Fadlan Alle Dartii Ugu Gargaar Gabadhan Bugta Waxay U baahantahay Gargaar Deg Deg Ah
Dhammaan dadka Soomaaliyeed ee muslimiinta ah haddii ay noqan laheyd ganacsatada, dadka wax heysta, Jaaliyadaha dibadaha iyo qof alle qofkii wax awooda ha jooga dal ama dibada waxaan ka codsaneynaa inay u gargaaraan gabadhan muslimadda ah, laguna magacaabo Cibaado Yuusuf Cali oo muddo saddex sano ah ku dhibaateysan magaalada Laascaanood ee gobolka sool
Cibaado Yuusuf Cali waa Hooyo 27 jir ah islamarkaana Buro ka soo baxday Maskaxda waxaa ka lumay dareenka oo dhan iyadoo 24 saac aysan kicin Saxaradda Iyo Kaadidana barteeda ayaa looga qaadaa mana hadli karto oo wixii ay doonayso ma sheegan karto inta badana maba seexato waxayna ku nooshay xaalad murugo leh
waxay u baahan tahay dhakhtar iyadoo dhakhaatiirta dalku cadeeyeen inaan waxba lagaga qaban Karin dalka gudihiisa, una baahan tahay qaliin degdeg ah oo wax lagaga qabta xaladeed caafimaad.
Duruuftaa jirta awgood qof kasta oo muslim ah , waxa si naxariis leh looga codsanayaa inay hawshaa wax ka qabtaan kuna so gargaaraan , Ilaahay miisaanka aakhiro ayuu idiinku labalaabi doonaaye.
Cid alle cidii doonaysa inay caawiso gabadhaan waxay si toos ula xariirikartaa
Cabdi Cali Cilmi Tel: 002522-4905234
Dahabshiil account No Dalas0197
Amal account No 0613-04-45413-01

kani waa muuqaalka sawir computer madaxa gabadha xanuunsan ah

Warqadii cadaynta ee dhakhtarku soo qoray

