Waxaa lagu gawracay Degmada Xudun gabar 13-jir ah kadib markii la kufsaday
Maydka gabar 13-jir ah oo la sheegay in la kusfaday, kaddibna la gowracay ayaa laga helay tuulada Lafaweyne ee hoostagta Xudun.
Maydka gabar 13-jir ah oo la sheegay in la kusfaday, kaddibna la gowracay ayaa laga helay tuulada Lafweyn oo 20 kilo mitir galbeed kaga beegan degmada Xuddun ee gobolka Sool.
Gabadha la dilay oo la oran jiray Xaliimo Xusseen Warsame Obsiiye ayaa meydkeeda laga helay meel buur ah, waxayna dadka ehelladeeda ah ay sheegeen in la kufsaday ka hor intii aan la dilin.
Yuusuf Cabdi oo ka mid ah dadka deggan Xuddun oo goobta gabadha maydkeeda laga helay tagay ayaa sheegay in Xaliimo ay shalay xoolo raacday, illaa xalayna ay qoyskeeda baadi-goobayeen markii ay waayeen xilligii ay guriga u soo hoyan lahayd.
Arintan ayaa walaac wayn ku abuurtay dadka degaanka, waxayna dalbadeen in arrintan argagaxa leh baaritaan lagu sameeyo.
Dhanka kale dad ku sugan magaalada Laasa-Caanood oo aan la xidhiidhanay ayaa noo sheegay in meesha lagu kufsaday ay ahayd meel aad ugu dhaw meel ay dagan yihiin ciidamada SNM eek u sugan deegaanadaas .
Dadkan aan la xidhiidhnay oo la xidhiidhay qaraabadooda oo halkaa dagan ayaa noo sheegay in meesha laga helay Raadka qof kaba ciidan sita halka Gabadha yare e la gawracay lana kufsaday kahor lana baacsaday in door ah oo laga soo helay dharkii ay sidatay qaar.
Arrintan oo ah mid aaf u foolxun oo aan hore uga dhicin deegaanadaas ayaa ay dadka degan aagaas ka muujiyeen walaac aad u balaadhan.
xargagaonline.com