Maxay Ku Heshiiyeen Xasan Gurguurte Iyo Dhiig yacab Siilaanyo?(Sirta Iyo Khiyaanada Ka Dhacday Jabuuti)
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Culusoow Guurguurte, oo ay u buuxsantay Boqolkii Cisho uu xilka hayey, ayaa Dhiig yacabka Somailand ee Siilaanyo oo ay ka wada tirsan-yihiin Isbahaysiga (Irirsamaale)ayaa heshiis uu kasoo shaqeeyay Madaxweynaha Jabuuti ahna Gudoomiyaha KMG-ah ee Ururka (Irirsamaale) ku kala saxiixday in Goboladda Sool iyo Sanaag ee khaatumo state iyo Somaliland is ku-hayaan in hadda kadib loo aqoonsaday inay yihiin Gobolo Somaliland ka tirsan.
Madaxweynaha Soomaliya Xasan Culusoow, Boqolka cisho uu xilka hayey ma jiraan wax waxqabad ah oo la taaban karo uu qabtay aan ka ahayn raadinta xulafaysi Qabyaaladeed , ayaa waxa u sii dheer liidnimadan uu ku caan baxay in aanu la kulmin Nabadoono, Isimo iyo M’asuuliyiin ka soo jeeda degaanada Puntland,Khaatumo iyo Jubooyinka, sidoo kalena ma soo booqan Goboladda ay degaan Beelaha Daarood oo Madaxweynaha cuqdadeysan u arko in Beesha Isaaq iyo Ciise-Waraabaha Jabuuti ay uga qiimo-badan-yihiin inuu booqdo deegaan ay Beelaha Puntland iyo Jubbaland degaan,waxaana ugu yaab badan inuu 2-jeer isagoo dayuurad-saaran kuna sii jeeda Jabuuti uu dul-maray hawada deegaanada khaatumo iyo puntland.
Madaxweyne Xasan Culusoow Guurguurte ayaa aaminsan hadii Somaliland iyo Jabuuti ay taageereen in Dawladiisa ay hangool isaga qaban-karto Beelaha khaatumo , Puntland iyo Jubbaland, dega oo Ururka uu ka tirsan-yahay Madaxweynaha ee (Hawiye-Action-Group)aaminsan inay siyaasada uga guuleysan-karaan,balse wuxuusan ku fikirin Culusoow in Wasiirada iyo Xildhibaanadda Somaliland ka soo jeeda,hadii ay tagaan Hargeysa in la xabisayo,,dantiisana ay ku jirto inuu maamuladan soo dhaweysto halka uu isbahaysi ka raadinayo Somaliland oo xarig ku xukuntay shaqsiyaadka ka tirsan Xukuumadiisa
ahmed cali muqdisho somalia
Xigasho Aftaag.com