Goobjooge Ingiriiska Ah Oo Wax Ka Yidhi Doorasho Ku Sheegii Maamulka Jabhada SNM, Markii Uu Dib Ugu Soo Noqday London

Wakaalada wararka ee caalamiga ah ee lagu magacaabo Reuers ayaa dhawaan waxay waraysi la yeelatay M.Wilson oo dhalashadiisu tahay British, kana qayb galay doorasho ku sheegi maamulka jabhada SNM ee musuqmaasuqu biya dhigay.

Goobjoogahani markii uu ku soo laabtay magaalada London wuxuu waraysigiisa ku bixiyey waxyaabo mucjisooyin ah oo aanu horay ugu arag intuu ka qayb galayey doorashooyin heer caalami ah, wuxuu indhihiisa ku arkay carruur da’doodu u dhexeysay 10-14jir, oo codbixinta ku noqnoqonayey, runtiina aad baan ugu fiirsaday aadna waan ula yaabay.

M.Wilson oo ka mid ahaa goobjoogayaashii ka socday wadanka Ingiriiska wuxuu kaloo waraysigiisa ku sheegay, inuu arkay dad qaangaadh ah oo iyaguna sida ciyaalkaasi ku noqnoqonayey.

Waraysiga M.Wilson wuxuu intaasi ku daray inuu aad ula yaabay markii uu ka war helay goobtii uu joogay oo mar kaliya isu bedeshay goob lagu kala gadanayo walxaha dareera ee loo adeegsado in lagu dhaqo khadka lagu sunto qofka codkiisa dhiibtay…

Taa waxaa ka sii daran buu yidhi, waxaa jirey xidhiidh hoose oo wada shaqayneed oo u dhexeeyey maamulayaasha goobahaasi fadhiyey iyo kuwa ay ugu yeedhaan komishanka, oo ay la safan yihiin xisbi ku sheega Siilaanyo.

M.Wilson oo waraysigiisu dheera wuxuu kaloo carabka ku dhuftay markii aan ku soo laabtay London waan filayey inay wax badani soo bixi doonaan, maadaama ay hadheeyeen is daba marin badan iyo ku shubasho aan xad lahayn, waxaanay hilmaameen siday beesha caalamku isha ugu haysey.

Xigasho aftaag.com