War Deg-Deg Ah: Wufuudii Khaatumo Ee Baryahanba Kusugnaa Magaalada Muqdisho Oo Goordhawayd Diyaaradii Waday Soo Caga Dhigatay Airportka Degmada Taleex

Sarmaanyo.com:-Wararka naga soo gadhaya Gaadhaya Degmada Taleex Ayaa Sheegaya Inay Hada Soo Caga Dhigatay Diyaaradii Waday Wufuudii Khaatumo State Ee Iyagu Baryahanba Kusugnaa  Magaalada Muqdisho Kuwaas Oo Ilaa Maanta Diyaar Garaw Looga Jiray Gudaha Caasimada Maamulka Khaatumo  Ee Taleex.

Wararku Waxay Intaas Ku Darayaan In Wufuudan Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyay Airportka Wayn Ee Taleex International Airport  Halakas Oo Ay Kusoo Dhaweeyeen Madax Kasocota Hogaanka Maamulka Khaatumo Iyadoona Uu Horkacayey Madaxwaynaha Maamulka Khaatumo State  Maxamed Yuusuf  Jaamac Halac(Indhasheel).

Sidoo Kale Waxaa Iyana Siwayn Loo Adkeeyay Amniga Degmada Taleex Khaasatan Airportka  Agagaarkiisa Iyadoona Ay Sugayeen Amniga Airportka Ciidamada Milatariga Ah Ee Maamulka Khaatumo State Of Soomaaliya.

Wixii Warar Ah Ee Imaanshaha Wafdigaas Ee Degmada Taleex Kasoo Kordha Kala Socda Wararkayaga Danbe Hadii Eebe Raali Kanoqdo.