Jooji Siyaasadda iyo Isku fiirsashadda Ee Dagaalan oo Dalkaagga Xoree ?
Siyaasadda Waa Hadal aanan badidiis Wax qabad lahayn,Wuxuuna Bulsho badan u keensaddaa in Dantii guud ay ku lunto Siyaasiyiin isku Haysta Fikiro kala duwan,Tusaale rasmi ah Waxaa u ah Wadanka Maraykanka Xisbiyadda Democratigga iyo Republikanka ayaa aad isku qabsada Siyasadda Wadanka.
Is qabqabsigga Siyaasiyiinta iyo Xisbiyadda Wadanka Maraykanka ku keentaa in Howlihii Wadanka iyo Adeegga Bulshadda uu Dayacmay, Tusaale ahaan mar walbo oo Madaxwaynaha Maraykanka oo ah Xisbigga Democratigga uu damco in uu Wax ka qabto Dhibaatooyinka Arimaha Bushadda Sidda Shaqooyinka, Caafimaad iyo Waxbarashadda. Waxaa Barnaamijkiisa iyo Himiladda uu doonayo ka horistaagga Xisbigga ka soo Horjeedda Waxaa Meesha ku luntay Hormartii Dalka iyo Dalka.
balse Wadanka Maraykanka Waa Wadan Dhaqaale badan leh oo inta ay Xisbiyadda ay ishaystaan Howshii Bulsho Waa ay sii socotaa inta Arimha la isla meel dhigayo.
Degaanadda Sool,Sanaag iyo Cayn. ( Labo Marooddi Meesha ku Dagaalmeen Cowka ayaa ku baa’ba)
Dadka Soomaalidda kama Soo kaban karaa Siyaasiyiin is qabqabsadda iyo Maamulo aan heshiis ahayn, Dhibaatadda isqabqabsigga Waxaa tusaale inooggu fulan Goboladda SSC.Haddii aad Waliggii aad Aragtid Degaan la isku haysto Waxaa ku xigga burbur iyo Horumar la’aan, Waxaa dib u eegtaa Dhulkii ay Horay isku Haysteen Soomaaliya iyo Itoobiya, Degaankaas Waxaa ka jirta 50 sanno oo burbur iyo barakac ah,Waxaad kale oo eegtaa Dhulka Falastiin,Waxaa eegtaa Dhulka ay Degaan Dadka Kurdish ah ee loo kala qaybiyay Seddexda Wadan, Waxaa la mid ah Goboladdayadda SSC, Waa Siyaasad uu garan qof walba oo Caqli leh.
Waa in aan Caqli Isticmaalaa oo aan ogaanaa Cida kala qaysanaantaas ku baa’aysa in aan Inagga nahay, oo loo baahan yahay in aan caqligga ka shaqaysiisiino, Waa in Dadka Degaanka Sool,Sanaag iyo Cayn ay u Midoobaan Xoraynta iyo Horumarinta Degaanka, oo ay ugu horayso Difaaca iyo Xoraynta.
Xorayn iyo Midnimo
Waxaa laga Maarmaan in Beelaha Degga Sool,Sanaag iyo Cayn ay u Midoobaan Xoraynta Degaanka iyo Siddii loogga saari lahaa Dhulka Jabhadda goonigoosatadda ku soo duushay Dhulka, Waa inaan Wax ka baranaa wixii na soo maray Shantii Sano ee SNM joogtay iyo Sababta ay ku maqan yihiin Gobolka Sool iyo Sanaag, Waxaa Bulshaddan ka Xirmay kaftankii iyo Sumcaddii,Waxaana Soomaalidda Dhexdeeda Qarnigga 21 ka noqonay Reerka kaliya ee la Haysto oo Wax ayyan rabin lagu Qabsayo, Dhibaataas oo idil Waxay u Sabab ah kala qaybsanaanta.
Waxaa inoo balan ah in aan wax hadal ah aan la oran inta aan Lasanod ka qabsanayno.
Waana inaan Wixii na Dhexyaala oo dhan aan ku Xalinayaa Wadahadal iyo Wax qaybsi ku dhisan Cadaalad iyo Walaaltimo.
balanteenu Waa Xorayn.