Sarmaanyo.com, Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helayno degaanka FARO ayaa xaqiijiyay in horgale Cali sandulle iyo waftigiisii ay dhamaantood isu soo dhiibeen maamulka khaatumo.
wararku waxay sheegayaan in uu sheegay Cali Sandulle in uu khalad weyn ka galay beesha uu ka dhashay,isla markaana uu raalli gelin weydiisanayo,maadaama uu horgale u noqday maamulka soomaali diidka ah ee isku magacaabay Somaliland.
Shabakadda wararka ee sarmaanyo.com oo marar badan isku dayday inay la xiriirto madaxda maamulka khaatumo,ayay u suurtoobi weydey inay helaan,balse weli isku dayaysa inay la xiriirto.
isha ku hay shabakadda wararka ee sarmaanyo.com wixii war ah ee ka soo kordha arintaas.
sarmaanyo.com