Mahiga Oo U Cadeeyey Maamulka SNM Inay Soomaaliya Ka Mid Yihiin Iyo Kooxda Siilaanyo Oo Ay Talo Ku Cadaatay

Mahiga Oo U Cadeeyey Maamulka SNM Inay Soomaaliya Ka Mid Yihiin Iyo Kooxda Siilaanyo Oo Ay Talo Ku Cadaatay

Augustine Mahiga horaantii bisha Novambar ee sanadka 2012 wuxuu waraaq u diray horboodaha Jabhada  SNM, waxaana warqadaasi loogu sheegay in uu maamulkiisu ka mid yahay dawlada federaalka soomaaliya, wixii intaasi ka dambeeyana in Muqdisho loo soo marin doono wixii ay xaq u laahaayeen.

Arrintani waxay ka cadhaysiisey horjoogaha maamulka Jabhada SNM, oo isagu qabay inuu madax u ahaa dawlad sharci ah, waxaana haatan halkaasi ku soo xidhmay riyadoodii ahayd waanu goosanay.

Maalmo ka dib waxaa soo gaadhay magaalada Hargeysa wafti ballaadhan oo ka socday UNDP waxaanay kulamo la qaateen xubnaha maamul ku sheega jabhada SNM, oo ay u sheegeen inay xafiiskooda u rarayaan caasimadda Soomaaliya, halkaasina loo soo marin doono wixii ay xaq u lahaayeen.

Hadaba tallaabadan cusub ee ay qaaday qaramada midoobay waxay xaqiijinaysaa inay maanta doonayaan in soomaaliya dib cagaheeda isugu taagto, Muqdishana noqoto meeshii looga arimin lahaa soomaaliya.

Sidaan wararka ku helayno arrintani ay ku dhaqaaqeen qaramada midoobay qaybteeda UNDP waxay isbedel rajo xumo ah ku riday maamulka SNM oo iyagu muddo dheer si xaqdaro ah loogu naasnuujinayey magaalada Hargeysa.

Waxaanay haatan ku hawlan yihiin wixii ay ka yeelli lahaayeen tallaabada ay UNDP qaadayso ee ah inay xafiiskeeda u rarayso magaalada Muqdisho caasimada dalka soomaaliya.

www.aftaag.