Maamulka Degmada Xamarweyne oo sheegay in dad badan loosoo qabtay dilkii maareeyihii Garoonka Muqdisho

Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne C/laahi Ibraahim Sahal Gardhuub ayaa sheegay in ciidamada Dowlada habeenimadii xalay howlgalo baaritaano ah ay ka sameeyeen xaafadaha kala duwan ee Degmadaasi.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in dad badan lagu soo qabqabtay howlgaladii ciidamada maamulka xalay ay ka sameeyeen Degmadaasi.

C/laahi Sahal Gardhuub ayaa intaasi ku daray hadalkiisa inay sidoo kale ay baaritaano ku aadan dadkii ka dambeeyay dilkii xalay Degmadaasi loogu geystay Maareeyihii Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa wuxuu sheegay in dadka lasoo qabtay ay ku socdaan baaritaano ayna jiraan dad lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen dilkii Marxuun Ibraahim Iimaan Xalane oo ahaa Maareeyihii Garoonka.

Inkastoo uu ka gaabsaday inuu ka hadlo arintaan ayuu sheegay in saacadaha soo socda saxaafadda ay usoo bandhigi doonaan dadka ay soo qabteen.

Habeenimadii xalay ayay aheyd markii Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir lagu toogtay Maareeyihii Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho,waxayna noqonaysaa masuulkii ugu horeeyay ee dowlada ka tirsan oo Degmadaasi lagu dilo mudooyinkii dambe,sida wararka aan ku helayno.