Waxaa Caawa Niman Hubay Sani Ku Dileen Magaalada Laasa-Caanood Ee Gobolka Sool Khasnajigii Gobolka Oo La Odhan Jiray Cabdi Cawil Fuje.Sarkaalkan ka tirsanaa Maamulka SNM ee ladilay ayaa salaadii makhrib waxa uu ka soo baxay Masjidka la yiraahdo Al-Raxma halkaas oo Niman ku hubaysan Baaskoolado ay ku khaarajiyeen.
Xalay ayay hayd markii la weeraray Maayinka Magaalda Laasa-Caanood isaga oo ka bad baaday iyada oo lagu dhaawacay walaalkiis ,waxaan illaa iyo haatan cadayn cida ka dabasay dilkan iyo weerarada is daba jooga ah ee ka dhaca Magaalada Laasa-Caanood. Siwanaagsan uga socda Reer laascaanood waa ku mahadsanyihiin, Dagaalka ay kula jiraan tuugta iyo cadawga SNM ee haysta dalkeena iyo dadkiina intaba.
Magaalada Laasa-caanood ayaa iyada bar yahanaba waxay ay ahayd goob lagu ugaadhsado cid kasta oo xil ka haysa Maamulka SNM-ta. Waana arin lagu naaloodo waayo cidkasta oo u haysa Isaaq iyo Cadowgeena xil waalamid.
Xigasho Allceyn.com