Maamulka degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa maanta saxaafadda usoo bandhigay meydka mid ka mid ah rag xalay ku aasayay miinooyin xaafadda Buulo Xuubey iyadoo mid kale oo ay gacanta ku dhigeena dhigay xabsiga.
Gudoomiyaha degmada Wadajir Axmed Daaci oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in ninka dhintay ee meydkiisa uu wali yaalo goobta uu ahaa ninka madaxda u ahaa ragga miinada aasayay, waxaana uu intaasi raaciyay in uu ninkaasi horay uga geystay degmadaasi qaraxyo la mid ah kuwii uu xalay maleegayay.
Wiilka gacanta ciidamada booliska ku jira ayaa isna saxaafada u sheegay in ay ahaayeen sadex ruux oo falkan maleegayay, waxaana uu intaasi raaciyay in ay xalay seexdeen guriga ninka dhintay oo uu magaciisa ku sheegay Sharmarke, wuxuuna xaqiijiyay in ninkaasi ahaa horjoogihii iyaga waday.
Raggan ayaa ku hubeysnaa laba bistoolad iyo hal bambo, waxaana rasaastii xalay dhexmartay iyaga iyo ciidamada booliska ku nafwaayay laba qofood oo rayid ah.
Booliska ayaa sheegay in ay falkani fashileen kadib markii dad shacab ah kusoo wargeliyeen howlgalka ay nimankaasi wadeen.
Raggan ayay maamulka degmada wadajir sheegeen in ay ka tirsan yihiin kooxda al-Shabaab oo ay dowladdu dagaal kula jirta.

Maydka Ninkii dhintayQarax la aasay oo fashilmay iyo nin la qabtay
