Khasaaraha Dagaalka Oo Sii Kordhaya & Jab Gaadhay Jabhada SNM
Dagaalkii caawa ka qarxay duleedka magaalada Sooljoogto ayaa waxaa iska soo daba dhacaya qasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.
waxaana hada wararka ugu danbeeyay ee laga helayo jiida hore ay sheegayaan in halkaasi khasaare baaxadleh uu kasoo gaadhay maleeshiyada SNM islamarkaana ay jirto gaadiid dagaal oo lagu gubay.
Dagaaladan ayaa qayb ka ah Xorayntii deegaanada kuraagay gacanta Gumaystaha, kana dhashay dhibaatada xoogan ee maleeshiyaadka SNM ay ku hayaan shacabwaynaha khaatumo State.
Deegaanka Sooljoogto iyo goobaha udhow ayaa siwayn Looga dareemay dhawaaqa Rasaasta .
Wararkii udanbeeyay ee halkaasi laga helayo ayaa sheegaya in hada uujoogsaday dagaalkaasi – hasa ahaatee lafili karo inuu mar kale qarxo.
Wararka xaqiiqada ah kala soco Allssc.com
By:Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
Buuhoodle G/Cayn