Acww Waxaan dhamaantiin idiin rejeynayaa Ramadaan kariim.
Sidaynu dhamaanteen la socono kadib dhalashadii “Khaatumo State of Somalia”, waxa sare u soo u soo kacay rajadii midnimada Somaliyed iyo hamigii shicibka SSC & weliba geeridii riyadii qaran dumiska SNM.
Waxay runtii ahayd talaabo hore loo qaaday runtiina lagu diirsaday, waxase soo baxayay caqabado & macaan jecel cusub oo ku soo biirayay hindida u dhalatay SSC, Waxa ugu daraa markii Fanaanadii qaranka ee loo hanweynaa ee ku heestay “Libdhi maysid Laascaanood,Mukulaashu meelaheeda,Sandulaad ku soo noqon, iyo qaar kaloo badan” ay iska dhiibtay Garoowe iyadoo dhamaan umaddii taqaanay fajaciso ku noqotay.
Sidoo kale Xaglatoosiye, oo ku hanajabi jiray inuu Puntland &SNM labadaba meel kaga soo hari doono ku qancay xoogaa qaraamaad ah oo ay Siilaanyo & Faroole faraguudkood ugu balan qaadeen, kaba sii darane lagu soo dhoweeyay Caasimadii Buuhoodle ee ahayd xudunta Khaatumo.
Hadaba aqristaha sharafta lehow waxa is weydiin leh maxay Khaatumo u taagan tahay markii maalin cad nin sidaa yeelay mashxarad iyo Caleemo qoyan Buuhoodle lagu soo dhoweeyay.
Show xaalku ma aha cididay calool ku jabtay. Waxa war la hubaa yahay reer SSC, go’aan isku mida qaadan karin in wixii la abuuraaba aysan meel fog gaareyn, Hadii Saado noqotay mukulaashii ay dadka ku sheegeysay,Hadii Dabadhilif Xaglatoosiye Buuhoodle Qabiil loogu soo dhoweeyay,Hadii Laascaanood weli SNM ka taliso,Hadii Puntland maalinba intiinii u mudnayd damiirkooda xoogaa lacaga siisanayso, hadii shicibkii qurbuhu maaweeladii balanqaadyada Khaatumo ka aamin baxeen,Hadii sheekadeenii in Xamar,Nairobi, iyo kambala, oo diyaarado loo raaco dhaafi weyday, Sow xaalku u ekaan maayo Liilalawdii ay hobalada waaberi qaadi jireen ama shibarayahow heesa.
Hadal iyo Dhamaantii Laba Cali iyo ragii ka shaqeeyay hirgelintii Khaatumo Ilaahay dembigooda ha dhaafo, Hadiise aanay shicibka reer SSC hareeraha qaban maamulkooda sharafta leh ee Khaatumo kheyr, waxa hawshii loo soo halgamay ay ku dambaynaysaa Hal bacad lagu lisay.
“UNITED WE STAND,DIVIDED WE FALL”
Ainanshe Abdirahman
Xigasho Aftaag.com