Madaxdhaqameedyada Maamulka Khaatumo State Oo La Siiyey Kaadhadhkii Ay Kaga Qayb Gali Lahaayeen Ansixinta Dastuurka Soomaaliya
Waxaa kaadhadhkii sharciga ahaa la siiyey ergadii Maamulka Khaatumo State uga qayb galaysey ansaxinta dastuurka Soomaaliya oo lagu wado inuu dhawaan qabsoomo.
Odayaasha dhaqanka ee maamulka khaatumo state of somalia waxay ka mid noqdeen odayo dhaqameedyada loogu kalsoonida badan yahay magaalada madaxda soomaaliya ee Muqdisho, waxaanay xaqiijiyeen siday uga go’an tahay midnimada soomaaliya iyo sidii uu maamulka Khaatumo state u noqon lahaa mid lugihiisa ku taagan, cidna aan daba fadhiyin.
Dhinaca kale maamulka Faroole ee isagu ku caanbaxay dibindaabyeynta shacabka iyo maamulka Khaatumo ayaa haatan wada sidii uu u soo ciyaarsiin lahaa shakhsiyaad dibadaha ka tegay oo kana soo jeedaa deegaanada SSC.
Hadaba mar aan khadka taleefoonka kula xidhiidhay qaar ka mid ah madaxda sar sare ee maamulka Khaatumo state ee ku sugan magaalada Muqdisho waxay ii xaqiijiyeen inay dusha kala socdaan waxyaabaha foosha xun ee uu gacanta kula jiro maamulka Faroole, sida inuu soo dirsado kuwo uu u magacaabay inay ka mid noqon doonaan ergada ansaxinta Dastuuska soomaaliya, oo iyagu deegaan ahaan ka soo jeeda SSC.
Wuxuuna intaasi iigu daray “Faroole waxa haatan looga fadhiyaa inuu soo dirsado sadex ergay oo Ciise Maxamuud ah oo keliya, maadaama ergooyinka beelaha kale ee Majeerteen ay muqdisho ku sugan yihiin”.
Xigasho Aftaag.com