Cabdi Halas Oo Laga Dayrinayo Xaaladiisa Caafimaad
Wararka aanu ka helayno gudaha magaalada Garoowe, siiba xubno ka ag dhow madaxtooyada waxay noo xaqiijiyeen Wiil kii Cabdi Halas ahaa ee laga fadhiyey in haatan laga dayrinayo xaaladiisa caafimaad, ka dib markii uu shalay shilkii baabuur ee ka dhacay duleedka Garoowe.
Waxaanay tibaaxuhu sheegayaan in loo qaadayo dalka dibadiisa, maadaama ay ka soo darayso, waxaanu shilkani ahaa mid qorshaysan oo loogu tala galay in lagu khaarajiyo shakhsiyaad badan oo ka soo jeeda Sool Sanaag Iyo Cayn.
Wixii warar ah ee ka soo kordha halkan kala socda….